Home » Europe » Europe League » Wayne Rooney: Waxaan Jeclaa Harry Redknapp Balse Hodgson Waa Macalin Ku Haboon England

Wayne Rooney: Waxaan Jeclaa Harry Redknapp Balse Hodgson Waa Macalin Ku Haboon England


article-0-18A181DA00000578-874_634x411

Weeraryahanka Xulka England iyo Kooxda Man United Wayne Rooney ayaa cadeeyay inuu ku faraxsananaan lahaa hadii Xiriirka FA-ga ay Xulka England u dhiibi lahayeen Macalin Harry Redknapp.

Redknapp ayaa soo saaray buug qaali ah isbuucaan kaas oo lagu faafiyay Jariiradda Sportsmail waxaana uu helay fariin qoraaledyo badan oo uu ka helayo Xidigaha Xulka England.

Rooney ayaa cadeeyay in Harry Redknapp uu ku wacnaan lahaa shaqada England isla markaan Wayne ayaa qiray in uu mar walba jecelaa inuu macalin u noqdo Harry.

article-0-189AE4D700000578-191_634x403

Sidoo Kale Wayne Rooney ayaa ka hadlay macalin Roy Hodgson isla mrkaana wuxuu sheegay inuu yahay shaqsiga ku haboon shaqada England xiligaan.

“Mar Walba oo aan kasoo hor imado Tottenham Hotspur ama QPR, waxaan dareemi jiray farxad madama aan ka hor imanayo shaqsi aan aad u qiimeeyo” ayuu Rooney ku waramay.

Harry Redknapp ayaa ku dhawaaday inuu noqdo macalinka Xulka England, February 2012 markaas oo Capello laga diray xulka balse Hodgson ayaa xilgaas loo magacaabay.

article-0-18A0A04000000578-819_634x498

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close