Weeraryahanka Xulka England iyo Kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa amaanay qaab ciyaaredka da’yarta xulka England ay soo bandhigeen kulankii Montanegro iyo Macalin Roy Hogdson.
England ayaa 4-1 ku dhaaftay Montanegro kulan xiiso badan oo ka dhacay Wembley kaas oo niyad wanaagsan siiyay Three Lions-ka iney usoo bixi karaan koobka Aduunka ee 2014-ta lagu qaban doono Brazil.
“Waxaan heysanaa wiilal da’yar oo cajiib ah, waana wiilal lagu shirtagi karo koobka Aduunka ee Brazil ka furamaya xagaaga dambe” ayuu yiri Rooney.
Wayne Rooney aayaa si gaar ah u beegsaday da’yarka xulka England iyo Kooxda Tottenham Townsend kaas oo muuqaal cajiib ah sameeyay kulankii Montanegro.
“Wiilasha England ay ku xisaabtameyso xagaaga dambe waa kuwo aan horay loo arag, [Danny] Welbeck, [Daniel] Sturridge, [Phil] Jones, [Chris] Smalling, [Jack] Wilshere, [Alex] Oxlade-Chamberlain, [Theo] Walcott, waana wiilal dhiiran oo doonaya iney England ka sara mariyaan xulalka aduunka.
“Sidaa darteed waan ku faraxsanahay sida ay England haatan ku socoto, iyo muuqaalka wanaagsan ee muuqda mustaqbalka”
Rooney ayaa sidoo kale ka hadlay tijaabada Poland ee Talaada ay la ciyaari doonaan waana kulanka ay England ku xaqiiqsan karto Booskeeda Koobka Aduunka.
“Waa Kulan qatartiisa leh balse wixii qabsaday Montanegro ayaa qabsan doona xulka Poland” ayuu ugu dambeyn yiri Wayne Rooney.