Hogaamiyaha Manchester United Wayne Rooney ayaa dhaawac uga baxay tababarka kooxda ee shalay iyadoo cabsi xoog leh ay soo wajahday macalinka xulka England Roy Hogdson.
Wayne Rooney ayaa kulankii lugta hore ee Champions League ee kooxdiisa ay barbaraha la gashay Bayern Munich dhaawac dhanka suulka ah uu soo gaaray inkastoo uu maqnaaday mudo gaaban hadana Weeraryahanka United ayaa si adag u shaqeeyay kulankii ay kooxdiisa 4-0 uga adkaatay Norwich City iyadoo la hana qaadeysa maamulka cusub ee kumeel gaarka ah Ryan Giggs.
Wayne Rooney ayaana loo qaaday isbitaalka magaalad Manchester si loo saaro Scan ama baaritanao dheer lagu sameeyo si loo xaqiijiyo mudada dhaawac ee xidigaan heerka caalami.
‘Waa Arin nasiib daro ah oo England u diidi karta iney muuqaal wanaagsan ka sameyso Brazil” Ayuu yiri Ryan Giggs oo ka hadlay dhaawaca xidigiisa.
Wararka kusoo kordha baaritaanka dhaawaca Wayne Rooney dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa..