Home » Maxaa Cusub » Wayne Rooney Iyo 12-sano Ee Ugu Dambeesay Iskoorada Uu Kubada Cagta Kusoo Kordhiyay

Wayne Rooney Iyo 12-sano Ee Ugu Dambeesay Iskoorada Uu Kubada Cagta Kusoo Kordhiyay


Wayne

Wayne Rooney waa shaqsi kubada cagta heerkii ugu sareeyay ka gaaray haatana waa xirfadlaha caalamka ugu mushaarka badan, kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa Man United wuxuu ka caawiyay inau Norwich City 4-0 ku qaarijiso wuxuuna dhaliyay 2-gool, haatan asigoo 28-jir ah ayuu qarka u saarn yahay inuu noqdo xidiga ugu goolasha badan taariikh ahaan kooxda Man United sidaa darteed weeraryahankan awooda badan 12-sano ee aan kasoo gudubnay iyo iskoorada uu kubada cagta kusoo kordhiyay ayaan idiin heynaa. Fadlan hoos kogo bogo:

10- Sanadii 2002 wuxuu noqday xidigii ugu dhalinta yaraa ee Premiership-ka gool ka dhaliyo wuxuuna goolkaas ka dhaliyay naadiga Arsenal asigoo xiran maaliyada Everton wuxuuna Wayne soo gaba gabeeyay galabkaas 30-kulan oo aan Arsenal laga badinin!

9- Wayne kaalinta 19-aad ayuu kaga jiraa xidigaha ugu safashada badan Man United wuxuuna cayaaray 441-kulan balse magaari doonaa iskoorka Ryan Giggs oo ah xidiga ugu safashada badan Man United kaasi oo cayaaray 962-kulan?

8-Rooney kaalinta 3-aad ayuu kaga jiraa xidigaha Man United ugu goolasha badan taariikh ahaan wuxuuna dhaliyay 216-gool waxaana ka gool badan halyeeyaasha kala ah Denis Law iyo Sir Bobby Charlton wuxuuna xusid mudan in Charlton uu United u dhaliyay 249-gool sidaa darteed waxaa macquul ah xili cayaareedka dambe dhamaadkiisa inuu Rooney iskoorkan jebiyo!

7-Wayne wuxuu marwalbo jecel yahay inuu la cayaaro naadiga Aston Villa waayo wuxuu ka dhaliyay 13-gool asigoo ka hortagay 21-kulan, sidoo kale 12-gool ayuu Fulham ka dhaliyay halka Man City iyo West Ham uu min 11-gool ka dhaliyay!

6- Rooney wuxuu ka mid yahay taariikh ahaan 18-ka cayaaryahan ee Man United 4-gool hal kulan u dhaliyeen sidoo kalena waa xidigii ugu dambeeyay ee United u cayaaro kaasi oo hal kulan 4-gool dhaliyo wuxuuna ka dhaliyay naadiga Hull City kulan ka dhacy Old Trafford bishii Janaayo 2010.

5-  Wayne kaalinta 5-aad ayuu kaga jiraa xidigaha ugu goolasha badan xulka England, asigoo 17-jir ah ayuu xulka England u saftay markii ugu horeesay haatana 38-gool ayuu xulkiisa u dhaliyay waxaana ka gool badan halyeeyaasha kala ah Michael Owen, Jimmy Greaves, Gary Lineker iyo Sir Bobby Charlton, waxaana xulka England ugu goolal badan Charlton oo 49-gool dhaliyay dabcan Wayne inta uusan 30-sano gaarin ayuu iskoorkan jebin karaa!

4- Ma ogtahay guud ahaan Rooney inuu dhaliyay 269-gool asigoo cayaaray 603-kulan oo heer caalami ah wuxuuna dhiibay 137-kubadood weliba mudo 12-sano ayuu wax qabadkan heerka sare ah ku gaaray weliba xili cayaareedkii ugu goolasha badnaaa wuxuu ahaa 2011/12 asigoo dhaliyay 34-gool iyo 43-kulan

3- Ma ogtahay in Rooney 108-jeer caalamada hurdiga ah la siiyay sidoo kalena 5-jeer ayaa kaarka cas loo taagay tan iyo markii uu bilaabay cayaarista kubada cagta!

2- Wayne 6-hat trick ama sedexley ayuu Man United u dhaliyay tani waxay muujinee inuu yahay gool dhaliye la isku haleen karo wuxuuna Hat trick ugu dambeeyay ka dhaliyay naadiga Bolton September 2011.

1- Rooney waa xidiga ugu goolasha badan kulamada Manchester Derby laga cayaaro wuxuuna ka dhaliyay Man City 11-gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close