Home » Maxaa Cusub » Waxay Aheyd Wax la Filaayey: Mario Balotelli Oo Seddex Kulan La Dul Dhigay

Waxay Aheyd Wax la Filaayey: Mario Balotelli Oo Seddex Kulan La Dul Dhigay


_70070753_019402426-1

Kadib markii Mario Balotell uu rabshad sameeyay dhamaadkii kulankii Milan 2-1 guuldaro kala kulantay naadiga Napoli sidoo kalena kaarka cas loo taagay ayaa sababtay in gudiga anshaxa Serie A-da ay ganaax sedex kulan ah weeraryahankan dul dhigaan, waxaana falka uu sameeyay aad uga carooday macalin Allegri oo haatan wajihi doono dhibaato weeraryahan yari ah waayo Milan waxaa horey dhaawac uga maqnaayeen Pazzini iyo El Shaarawy, sidaa darteed Mario Balotell ayaa markale kooxdiisa Milan dhibaato hor leh u horseeday xili aysan ka kaban karin maqnaan shihiisa, Super Mario ayaa seegi doono 3-kulan ee ugu soo horeyso waxayna Milan kulamadaas la cayaari doontaa naadiyada Bologna, Sampdoria iyo Juventus.

Garsoore Banti ayaa kaarka cas u taagay Balotelli kadib markii kulankii Napoli iyo Milan ku dhawaaqay inuu dhamaaday wuxuuna xidigan sameeyay inuu aflagaado iyo rabish la galay garsoorayaashii kulankan dhex dhexaadinaayay hadaba Milan ayaa lagu wadaa inay racfaan ka qaadati go’aanka Super Mario ganaaxan culus la dul dhigay. Dhanka kale Milan qayb ka mid ah garoonkeeda San serio ayaa laga ganaaxat inay taageerayaasheeda soo fariisan karaan ama istaagi doonaan kulanka ay Sampadoria la cayaari doonaan todobaadka nagu soo fool leh madaama taageerayaasha Milan fal cunsurinimo ah kula kaceen taageerayaasha iyo cayaartooyda Napoli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close