Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa muddo saddex bilood ah waxa uu tababar ku qaadanayaa dalka Kenya.
Mo Farah ayaa tababarkan waxa uu ku doonayaa in uu ku guuleysto tartanka
Virgin Money London Marathon.
12 toddobaad ayuusan arki doonin xaaskiisa Tania iyo carruurtiisa oo ku nool dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in xiriirka isaga iyo qoyska ka dhexeeya uu aad u xun yahay maadaama halka uu joogo aysan lahayn Internet wanaagsan oo uu kula sheekeysan karo qoyskiisa.
Toddobaad walba waxa uu cararaa 130 Mile si uu isugu diyaariyo tartanka 26.6-mile. Waxana uu ku raaxeystaa oo kaliya daawashada kooxda uu taageero ee Arsenal.
Tababarka uu ku qaadanayo Kenya ayaa waxa uu ku tilmaamay in nolosha ay u fududeysay,
“Waa cunto cunis,tababar qaadasho iyo hurdo. Balse tababarka ayaa ah kan ugu horeeya.
“Inaan coffee aado ama wax kale ma ahanee waxaan daawadaaa ciyaarta kubbada cagta, mana laha wax kale oo aad samayso.”ayuu sii raaciyay.
Nasiib wanaag Mo kalinimada uu ku yahay Kenya waxa ay u tahay fursad uu mar walba ku daawan karo kooxda Gunners, isagoo hore fursado badan ugu heli jirin gurigiisa Portland,Oregon Maraykanka.
“Waqti walba waxaan daawadaa Arsenal,”ayuu yiri isagoo qoslaya. “Waqti dheer uguma farxin sida ay kooxda hadda tahay Ozil oo kooxda ku soo biirayna waxa ay kooxdu noqotay mid adag.
Mo Farah ayaa rajo ka muujiyay in kooxda uu taageero ee Arsenal ay koob ku guuleysan karto.