Home » Maxaa Cusub » Waxaa Nahay Afrikaan: Wax Ka Ogow Shanta Wadan Ee Koobka Aduunka U Matali Doona Africa (Qeybta: 1-aad)

Waxaa Nahay Afrikaan: Wax Ka Ogow Shanta Wadan Ee Koobka Aduunka U Matali Doona Africa (Qeybta: 1-aad)


Aficans-in-the-world-cup

Shaki Kuma Jiro Inaan Nahay Dad kasoo jeeda qaarada Afrika taasna micnaheeda maahan inaan wax ka sheegi weyno wadamada ka qaarad ahaan noo matali doona Koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil bartamaha bishaan June.

Inkastoo aan nahay dadyow aan taariikh wanaagsan ku laheen tartankaan hadana waa muhiim inaan wax badan ka ogaano awoodooda madama ay na matalayaan.

Tartankaan wuxuu ka dhici doonaa Latin America waxaana nooga qeyb gali doona Shanta dowladood ee kala ah:

1. Algeria

2. Cameroon

3. Ghana

4. Ivory Coast

5. Nigeria

ALGERIA:

Kadib bandhig fiican oo ay soo bandhigeen Koobkii African Cup of Nation ee 2010 lagu qabtay Angola kadib markii ay Quater Finalka ku garaaceen Ivory Coast inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Egypt oo xiligaas ku guuleysatay koobkaas wareegii Semi Finalka.

Tartankii Koobka Aduunka ee 2010 lagu martigaliyay qaarada Africa uma aheyn mid wanaagsan madama ay kulankii ugu horeeyay guuldaro kala kulmeen Slovenia, balse bandhigoodii ugu fiicnaa sanadkaan waxey muujiyeen kulankii labaad markaas oo ay barbardhac la galeen xulka England, balse USA ayey qasaaro kala kulmeen kulankii ugu dambeeyay taasoo sababtay iney isaga haraan tartanka.

Sidoo kale Tartankii African Cup of Nation ee 2013 waxey muujiyeen habacsanaan madama ay labadii kulan ee ugu horeysay ay guuldaro la kulmeen Tunisia & Togo ayeyna qasaaro ka heleen balse kulankii ugu dambeeyay xulka Marodiyaasha ayey barbaro la galeen weyna iska hareen iyagoo qanacsan.

Xulka Algeria waxey ayaa si raaxo leh kusoo gaaray Koobka Aduunka madama ay shan kulan adkaadeen lixdii kulan ee wareega groupyada iyagoo kusoo baxay safka hore waxeyna group kula jireen Mali, Benin & Rwanda.

Kulamadii Kala Baxa ee loogu soo baxayay Koobka Aduunka waxey soo quusiyeen Burkino Faso kuwaas oo Finalka tagay koobkii Africa ee 2013, waxeyna 3-2 guuldaro soo gaartay lugti hore Algeria kulan ay marti ahaayeen, balse 1-0 ayey guul ku heleen Algerian-ka kulankii gurigooda taasoo noqotay iney goolka banaanka ay kusoo dhaliyeen ay ugu soo baxaan Koobka Aduunka.

TAARIIKHDA KOOBKA ADUUNKA

Algeria ayaa ka qeyb galay sadex Koob aduun balse kii ugu fiicnaa isla markaana ugu xumaa wuxuu ahaa 1982-dii koobkii lagu qabtay Spain.

West Germany ayey ku garaaceen 2-1,  kulankooda furitaanka, sidoo kale Chile ayey 3-2 ku garaaceen kulankii labaad, inkastoo kulankii ugu dambeeyay 2-0 waxaa kaga badiyay Austria.

Iyadoo leh 6-dhibcood, isla markaana badiyay laba kulan ayey farqiga goolasha ku hareen, waxeyna noqdeen wadankii ugu horeeyay ee koobka aduunka ciyaara ee ayagoo 6-dhibcood leh isaga haray tartanka.

KULAMADA KOOBKA ADUUNKA

Algeria vs Korea

Algeria vs Belgium

Algeria vs Russia

XIDIGA UGU MUHIIMSAN:

Kubad sameeyaha Kooxda Valencia Sofiane Feghouli ayaa ah xidiga ugu isha lala raaci doono koobka Aduunka.

Tababarahooda: Vahid Halilhodzic

Bandhigii Ugu Fiicana ee Tartankaan:

Sadex Jeer ayey kasoo muuqdeen Koobka Aduunka:

1982, 1986 & 2010 dhamaan waxey ku hareen Groupka, markii ugu dhaweyd waxey aheyd 1982-dii markaas oo farqiga goolasha lagu reebay.

XIDIGIHII SOO MARAY ALGERIA:

Rabah Madjer, Lakhdar Belloumi, Rachid Mekhloufi, Mustapha Zitoun

Shanta Maalin ee Ka dhiman Koobka Aduunka waxaan maalin walba ka sheekeyn doonaa Min Hal Wadan Shanta Wadan ee Afrika u matalaya Koobka Aduunka.

La Soco Berito Insha Allaah… Xulka Ghana

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close