Home » Horyaalada » La liga » Wax ka Ogow Todoba Heshiis Oo Lionel Messi Uu Barcelona U Saxiixay Mudo 9-sano Ah

Wax ka Ogow Todoba Heshiis Oo Lionel Messi Uu Barcelona U Saxiixay Mudo 9-sano Ah


Messi

Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona waxaa la sheegay inay heshiis wada gaareen sidoo kalena xidigan uu ogolaaday inuu Camp Nou sii joogo ilaa sanada 2019 sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday taariikh ahaan weeraryahankan tan iyo markii uu Barcelona ka mid noqday inuu 7-heshiis ah u saxiixay mudo 9-sano gudaheeda ah waxaana xusid mudan in marwalbo oo Messi heshiis cusub laga saxiixo in mushaarkiisa sare loo qaadayay, hadaba sheekadan xiisaha badan hoos kaga bogo Messi iyo kooxdiisa Barcelona sidii ay kusoo wada joogee mudo dheer:

Sanadii 2005 ayuu heshiis uu lacago ku kasbanaayo kooxdisa Barcelona u saxiixay Messi.

Janaayo 2007 wuxuu Barcelona heshiis lacago badan ku kaceen sidoo kalena waxay kooxdiisa dul dhigtay €150m lagu jebin karo! kaasi oo gaarayo ilaa sanada 2014

Ronaldinho ayaa Camp Nou isaga hayaamay wuxuuna Messi noqday hogaamiyaha rasmiga ah ee Barcelona sidoo kalena mushaarkiisa €8.5 million ayaa sanad walbo laga dhigay in la siiyo.

September 2009 Lionel wuxuu si rasmi ah u noqday xirfadlaha kubada cagta ugu mushaarka badan caalamka oo idil waxaana sanad walbo la siinayay €11 million sidoo kalena Barcelona waxay dul dhigtay in qandaraaskiisa lagu jebin karo €250 million weliba heshiiskiisa ilaa sanada 2016 ayaa la gaarsiiyay!

Febraayo 2013 Messi wuxu saxiixay heshiis gaarayo ilaa sanada 2018 tani waxay ka dhigneed inuu labo sano oo dheeri ah qandaraaskiisa ku daray sidoo kalena heshiiskan cusub wuxuu u saamaxay inuu sanad walbo qaato €16 million!

Hadaba heshiiskan ugu dambeeyo ee uu qalinka ku duugi rabo wuxuu Lionel qaadan doonaa €20 million iyo €3m oo dheeri ah hadii uu guulo badan kooxdiisa gaarsiiyo  sidaa darteed xidiga aduunka ugu mushaarka badan ayuu noqon doonaa marka si rasmi ah loo shaaciyo heshiiskan!!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close