Home » Horyaalada » Bundesliga » Wax Ka Ogaaw Saxiixyada Sida Rasmiga Ah Ay U Sameeyeen Kooxaha Bundesligaha Jarmalka Xagaagan

Wax Ka Ogaaw Saxiixyada Sida Rasmiga Ah Ay U Sameeyeen Kooxaha Bundesligaha Jarmalka Xagaagan


Lewy

Horyaalka Jarmalka wuxuu ka mid yahay horyaalada ugu xiisaha badan caalamka waxayna kooxihiisa sanadihii ugu dambeeyay wacdaro ka dhigeen koobka horyaalada Yurub waayo xili cayaareedkii 2012/13 Bayern Munich iyo B. Dortmund ayaa kama dambeesta tartankan Yurub ugu qiimaha badan isugu imaadeen midaasna waxay keentay in Bundesligaha uu caalamka soo jiito sidoo kalena horyaalkan waxaa ka xamaashaan dhalinta ugu tayada wanaagsan caalamka waxaa intaas sii dheer in Bundesligaha uu yahay horyaalka loogu daawasho badan yahay caalamka waxaana kulan walbo Bundesligaha usoo daawasho tagaan cel celis ahaan 42,000 oo taageero ah sidaa darteed kooxaha horyaalkan ku hardami doonaan xili cayaareedka 2014/15 waxay ku raad joogaan inay lasoo saxiixdaan xidigo tayo wanaagsan hadaba hoos kaga bogo ilaa haatan saxiixyada rasmiga ah oo ay kooxaha Bundesligaha sameeyeen:

Cayaaryahan Ka yimid Ku biiray Qiimaha
John Heitinga Fulham Hertha Berlin Free
Miiko Albornoz Malmo Hannover Qiimo aan la shaacinin
Joselu Hoffenheim Hannover €5million
Roberto Lewandowski Dortmund Bayern Munich Free
Daniel Ginczek Nurnberg Stuttgart Free
Ciro Immobile Torino Dortmund €19million
Ibrahima Traore Stuttgart Bor. Mgladbach Free
Valentin Stocker FC Basel Hertha Berlin €5million
Dario Kresic Mainz Bayer Leverkusen Free
Sebastian Jung Eint. Frankfurt Wolfsburg €2.5million
Sebastian Rode Eint. Frankfurt Bayern Munich Free
Tin Jedvaj Roma Bayer Leverkusen Amaah
Josip Drmic Nurnberg Bayer Leverkusen €6million
Adrian Ramos Hertha Berlin Dortmund €9million

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close