Wax Ka Ogaaw Iskoorada Todobaadkan Premiership-Ka Kusoo Kordheen
Waxaa Qoray: Zakariye Abdi Mohamed
Taariikhda: April 21, 2014

Horyaalka England waa midka ugu xiisaha badan caalamka sidoo kalena todobaad walbo natiijooyin xiiso badan ayaa kasoo baxaan hadaba waxaan idiin heynaa iskoorada xiisaha badan ee Premiership-ka kusoo kordheyn inkastoo isbuucan sheekooyin badan kusoo kordheyn horyaalka aduunka ugu wanaagsan hadana waxaan idiin soo xulnay dhacdooyinka ugu xiisaha badan ee taariikhda Premiership-ka lagu dari doono, hadaba hoos kaga bogo iskoorada cusub ee Premiership-ka kusoo kordheyn wareega 35-aad ee todobaadkan la cayaaray:
- Ma ogtahay in goolhaye Vito Mannone uu kooxda Chelsea todobaadkan ka bad baadiyay 14-fursadood oo gool loo filan karay wuxuuna iskoorkan la wadaagaa goolhaye Tim Krul oo New Castle ka tirsan isagana bilawgii xili cayaareedkan Tottenham isla tiro intaas la eg ka bad baadiyay.
- Ma ogtahay todobadkan in macalin Jose Mourinho markii ugu horeesay 77-kulan kadib garoonka Stamford Bridge looga badiyay kulan ka tirsan Premiership-ka England!
- Ma ogtahay in Luis Suarez uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool ka tirsan kaasi oo 30-gool ka dhaliyay Premiership-ka England taariikh ahaan.
- Per Mertesacker ayaa Arsenal u saftay 48-kulan xili cayaareedkan dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena 98-sacaacdood ayuu Arsenal u saftay Premiership-ka 2-sano ee ugu dambeesaymana jiro xidig ka safasho badan guud ahaan laacibiinta Arsenal ku sugan.
- La yaab Martin Skrtel wuxuu ka gool badan yahay isku darka goolasha ay dhaliyeen Frenando Torres iyo Danny Welbeck xili cayaareedkan Premiership-ka England.
- Steven Gerrard Premiership-ka England wuxuu ka dhaliyay 111-gool waana xidiga labaad ee ugu goolasha badan laacibiinta khadka dhexe ka cayaarto taariikhda Premiership-ka kaliya Frank Lampard oo dhaliyay 171-gool ayaa ka dhalis badan horyaalkan.
- Ma ogtahay in Aaron Ramsey uu xili cayaareedkan dhiibay 8-kubadood oo ay xidigaha Arsenal dhaliyeen waxaana la yaab ah in 5-xili cayaareed ee aan kasoo gudubnay uusan Ramsey dhiibin tiro inkaas la eg!
- Lukas Podolski 153-daqiiqo walbo wuxuu dhaliyaa gool Premiership-ka England wuxuuna haatan iskoorkan la wadaagaa labada halyee ee garoomada waa hore faarujiyeen Michael Owen iyo Ole Gunnar Solskjaer oo iyagana waayahoohii hore 153-daqiiqo walbo gudaheeda gool ku dhalin jireen horyaalkan xiisaha badan!
- Raheem Sterling xili cayaareedkan wuxuu dhaliyay 9-gool Premiership-ka England waana xidiga ugu goolasha badan dhalinta da’dooda ka hooseyso 20-sano xili cayaareedkan!
Like this:
Like Loading...