Home » Horyaalada » Bundesliga » Wax Ka Ogaaw 10-xaqiiqo Oo Kubada Cagta Ku Saabsan Oo Naga Wada Qarsaneed Dhamaanteen!

Wax Ka Ogaaw 10-xaqiiqo Oo Kubada Cagta Ku Saabsan Oo Naga Wada Qarsaneed Dhamaanteen!


France's Zinedine Zidane celebrates with team mate Thierry Henry after scoring their first goal against Portugal in their World Cup 2006 semi-final soccer match in Munich

Inta badan sheekooyinka kubada cagta saxaafada aduunka ayaa maalin walbo wax ka qorto balse waxaa jiraan 10-sheeko oo dhamaanteen naga wada qarsaneed oo dhawaan daaha laga rogay sidaa darteed waxaan jecleesanay inaan idin la wadaagno xaqiiqooyinkan xiisaha badan oo aan hubno inaad nala qiri doontaan inay yihiin kuwo aad loo xigan karo marwalbo, hadaba xaqiiqooyinkan waxay isugu jiraan kuwo waa hore dhaceen iyo kuwo xiligan casriga ah ku beegaan, hadaba yaanan ka hor dhicin xaqiiqooyinkan naga yaabiyay, fadlan hoos kaga bogo:

10. Peter Odemwingie wuxuu ku guuleestay abaal marinta bilaha ee la siiyo xidiga ugu wanaagsan Premiership-ka 3-jeer oo kala duwan wuxuuna kaga guuleysi badan yahay xidigo caan ka ah Premiership-ka sida Ryan Giggs, Cesc Fabregas, Roy Keane, Robbie Fowler, David Ginola, Teddy Sheringham, Luis Suarez iyo Gianfranco Zola waayo dhamaantooda sedex jeer kuma guuleesanin abaal marinta bilaha!

9.Weeraryahanka naadiga Liverpool Luis Suarez waxaa laga ganaaxay guud ahaan 20-kulan Premiership-ka England inkastoo weli uusan calaamada casaanka ah qaadanin horyaalkan! 20-kulan ee la ganaaxay sidaan ayay ugu dhaceen: 10-kulan waxaa la ganaaxay markii uu Ivanovic qaniinay, 8-kulan waxaa la ganaaxay markii uu Evra midib takoor ku sameeyay, 1-kulan waxaa la ganaaxay markii uu aflagaadeeyay taageerayaasha Fulham, 1-kulan waxaa la ganaaxay markii 5-jaale ay u aruurtay.

8. Inkastoo Sir Alex Fergusen uu xilka Man United haayay 26-sano iyo bar hadana ma ahan macalinkii ugu shaqada dheeraa qaarada Yurub waxaana ka xil dheeraa Guy Roux oo naadiga Auxere ee ka dhisan dalka France macalin u ahaa inka badan 40-sano! intii u dhaxeesay 1964 ilaa 2004 ayuu horyaalka France macalinkan ka dhex muuqday.

7. Macalinkii ugu horeeyay ee si rasmi ah Real Madrid u leyliyo wuxuu u dhashay dalka England magaciisan waa Artur Johnson wuxuuna Madrid macalin u ahaa mudo 10-sano ah intii u dhaxeesay 1910 ilaa 1920.

6. Intii u dhaxeesay 1901 ilaa 2001 naadiga West Ham United waxaa macalin usoo noqdeen 8-tababare oo qura! weliba 5-macalin ee ugu horeesay ee kooxdan xilkeeda hayeen 88-sano ayay hogaaminayeen.

5. Balse waxaa la yaab ah laga soo bilaabo sanadii 2001 ilaa haatan in naadiga West Ham ay macalin u noqdeen 9-macalin tolow waqtiga sidii isku badalay miyay kooxdan xasiloonida dhanka macalinka qabi jirtay ay isku badashay!!

4. Frank Lampard ugu yaraan 5-gool ayuu dhalinaayay 17-xili cayaareed ee uu Premiership-ka kasoo muuqanaayay halyeegaan tani ayaa ka dhigan in sanadkii ay ugu yareed 5-gool uu EPL ka dhaliyay halka sanadaha kale uu hore kac dhanka goolasha ah sameenayay!

3. Goolhayaha reer Jarmal Hans Jorg-Butt wuxuu sedex gool ka dhaliyay naadiga Juventys sedex xili cayaareed oo kala duwan koobka horyaalada Yurub welia asigoo sedex naadi oo kala duwan u safan ayuu Juve ka dhaliyay goolashan oo dhamaantood rigoorayaal ahaayeen wuxuuna u safnaa kooxaha Hamburg, Bayer Leverkusen iyo Bayern Munich markii uu Juve goolasha ka dhalinaayay!

2. Ricky Lambert wuxuu kooxda Southampton u dhaliyay 34-rigoore asigoo tuurtay 34-jeer tani waxay ka dhigan tahay in weeraryahankan xulka England ka tirsan uusan marnaba qasaarinin 34-jeer ee ugu dambeesay oo uu kooxdiisa rigoore u tuuray!

1. La Yaab Zinedine Zidane oo ah xidiga ugu kubad dhiibista badan taariikhda xulka France iyo Theiry Henry oo ah laacibka ugu goolasha badan xulka France kaliya hal gool ayay wada shaqeyntooda ku wadaageen waana goolkii 2006 uu Henry xulka Brazil ka dhaliyay waxaa soo karoosay Zidane waareegii 8-aad ee tartankii lagu qabtay dalka Jarmalka, waxaana la yaab ah in Zidane kubadihii badnaa ee uu dhiibi jiray in Henry oo ah xidiga xulka France ugu goolasha badan uusan calfanin!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close