Home » Horyaalada » Bundesliga » Wax Ka Baro Steven Gerarad Iyo Xidigaha Isaga La Mid Ah Oo Hal Naadi Mustaqbalkooda Cayaareed U Horeen

Wax Ka Baro Steven Gerarad Iyo Xidigaha Isaga La Mid Ah Oo Hal Naadi Mustaqbalkooda Cayaareed U Horeen


Steven

Dhawaan kabtan Steven Gerard wuxuu aqbalay inuu kooxdiisa Liverpool u saxiixo heshiiskii ugu dambeeyay mustaqbalkiisa cayaareed tani ayaa ka dhigan in sanada 2016 uu Steven cayaaraha kusoo gaba gabeyn doono garoonka Anfield sidoo kale waa macquul inuu kubada cagta kusii waaro labo sano kadib, waxaa naga xasuusin ah in Gerard uu kulankiisii ugu horeeyay Liverpool u saftay 29, 1998 wuxuuna diyaar u yahay inuu xili cayaareedkan maaliyada Liverpool xirto sanadkii 17-aad, hadaba hoos kaga bogo xidigaha ruug cadaagan la mid ah ee musaqbalkooda cayaareed hal naadi u hibeeyeen:

Bob Paisley, Liverpool: mudo 44-sano ah ayuu Anfield ku sugnaa wuxuu Liverpool u noqday macalin sidoo kalena cayaaryahan asigoo ah ayuu kooxdan kusoo afbilaabay.

Ryan Giggs, Manchester United: 24-sano ayuu Man United ka tirsanaa wuxuuna u saftay 963-kulan.

Paolo Maldini, Milan: xili cayaareedkii 1984/85 ayuu Milan kasoo muuqday wuxuuna kooxdan u saftay 902-kuan!

Lev Yashin, Dynamo Moscow: 20-sano ayuu kooxda D. Moscow ka tirsanaa goolhayahan.

Paul Scholes, Manchester United: halyeegan Man United wuxuu u saftay 713-kulan

Francesco Totti, Roma: 702-kulan ayuu Roma u saftay welina garoomada kama bixin.

Franco Baresi, Milan: 700-kulan ayuu Milan u saftay waxaana loo doortay laacibkii Milan ugu wanaagsanaa qarnigii 20-aad.

Gary Neville, Manchester United: 602-kulan ayuu daafacan Man United u saftay.

Jamie Carragher, Liverpool: 737-kulan ayuu halyeegan Reds u saftay.

Santiago Bernabeu, Real Madrid: 15-sano ayuu Madrid u cayaarayay wuxuuna kooxdan kusoo biiray

asigoo 14-sano jiro sidoo kalena 689-kulan ayuu Real u saftay.

Bastian Schweinsteiger, Bayern Munich: asigoo 13-sano jiro ayuu xarunta Bayern kusoo biiray wuxuuna Bayern u saftay 474-kulan ilaa haatan.

Carles Puyol, Barcelona: 15-sano ayuu Barcelona ka dhex muuqday wuxuuna u saftay 593-kulan.

Tony Adams, Arsenal: 19-sano ayuu Gunners-ka ka tirsanaa wuxuuna u saftay 672-kulan

Sepp Maier, Bayern Munich: 20-sano ayuu goolhayahan Bayern ka tirsanaa wuxuuna u saftay 473-kulan.

Steven Gerrard, Liverpool: 669-kulan ayuu Reds u saftay welna Reds ayuu kabtan u yahay.


Close