Home » Horyaalada » Bundesliga » Wax Ka Baro Laacibiinta Aqoontooda Dhanka Waxbarashada Aadka U Sareyso (+Sawiro)

Wax Ka Baro Laacibiinta Aqoontooda Dhanka Waxbarashada Aadka U Sareyso (+Sawiro)


Socrates

Inta badan xirfadlayaasha kubada cagta waxay kasbadaan mushaar ama daqli aad u fara badan ayagoon laheen aqoon heer sare ah , balse maanta waxaan idiin heynaa xidigo fara ku tiris ah kuwaas oo aqoontooda dhanka cilmiga aad u sareyso sidoo kalena heestaan shahaado heer jaamacad ah.

Dabcan laacibiintan waxay isugu jiraan kuwo kubada ka xamaashaan iyo qaar waa hore cayaraaha isaga fariisteen, waxaana hubaal ah in shaqsiyaadkan aqoontooda sareyso inay shaqo kale heli karaan hadii ay xeen daabka kubada cagta isaga baxaan. Hadaba hoos kaga bogo Laacibiinta Heestaan Shahaado Heer Jamaacadeed Ah:

Lampard Salary 2013

Frank Lampard (England)

Da’diisa: 36-sano

Heerka Aqoontiisa: Wuxuu dhameestay Dugsi sare wuxuuna wax ka bartay Brentwood School intii u dhaxeesay 1989 ilaa 1994 waxaana Lampard lagu tilmaamaa xirfadlayaasha kubada cagta midka ugu maskaxda badan marka la cabiro IQ-qofka ama garaadka aqooneed ee qof walbo

Graeme Le Saux (England)

Da’diisa: 45-sano

Heerka Aqoontiisa: Wuxuu Bartay Cilmiga Hormarinta Deegaanka

Socrates (Brazil)

Wuxuu geeriyooday sanadii 2011 asigoo 57-sano jiro

Heerka Aqoontiisa: wuxuu PHD  Ka heestay Cilimiga Philosophy ama Falsafiga sidoo kale wuxuu ahaa Dhaqtar ku taqasusay Daawooyinka noocyadooda kala duwan.

Edwin van der Sar (Holland)

Da’diisa: 42-sano

Heerka Aqoontiisa: wuxuu Master ka heestaa Marketing ama suuq-geynta.

Oliver Bierhoff (Germany)

Da’diisa: 45-sano

Heerka Aqoontiisa: Wuxuu darajada kowaad ka heestaa Economics ama dhaqaalaha, waana dhaqaale yahan.

Slaven Bilic (Croatia):

Da’diisa: 45-sano

Heerka Aqoontiisa: wuxuu Master ka heestaa Sharciga waana Sharci yaqaan haatana waa tababaraha naadiga Besiktas ee dalka Turkiga ka dhisan.


Close