Xulka Jarmalka waxay caawo ka hortagi doonaan xulka Argentina waa kulanka lagu soo qatimi doono FIFA World Cup 2014 oo mudo ah si wanaagsan uga socday dalka Brazil, hadaba caawo xidigaha labadan xul mid walbo waxaa u rumowday inuu kasoo muuqdo Finalaha koobka aduunka sidaa darteed waxaan idiin heynaa 22-laacib ee caawo garoonka soo gali doonaan xidig walbo xog kooban oo ku saabsan, fadlan hoos kaga bogo:
Germany:
Goolhaye: Manuel Neuer, Bayern Munich (28-sano)
Ma ogtahay: in Neuer kaliya uu sedex guuldaro uu la kulmay asigoo xiran maaliyada xulka Jarmalka wuxuuna xulkiisa u saftay 51-kulan! sidoo kale Neuer waa goolhayaha labaad ee ugu bad baadinta badan tartankan.
Daafaca garabka midig: Philipp Lahm, Bayern Munich (30-sano)
Ma ogtahay: in Lahm uu caawo cayaari doono kulankiisii 20-aad ee koobka aduunka sidoo kale xidigan waa laacibka ugu dhiibista badan baasaska gaaban tartankan wuxuna baasay 450-kubadood.
Daafaca dhexe: Jerome Boateng, Bayern Munich (25-sano)
Ma ogtahay: in Boateng uu xulkiisa Jarmalka u saftay 11-kulan ee ugu dambeeyay koobka aduunka cayaaraan waa 2010 iyo 2014 labadii tartan ee la qabtay.
Daafaca dhexe: Mats Hummels, Borussia Dortmund (25-sano)
Ma ogtahay: in Hummels hooyadiisa ay ahayd haweyneedii ugu horeesay ee cayaar kubada cagta ah ee dalka Jarmalka garoonka kasoo tabiso ayadoo wariye ah! sidoo kale xidigan labo gool ayuu tartankan ka dhaliyay.
Daafaca garabka bidix: Benedikt Howedes, Schalke (26-sano)
Ma ogtahay: in Howedes uu yahay xidiga ugu raacashada xulka Jarmalka tartankan wuxuuna jalaafay xidigahii ka hor imadeen 15-jeer!
Khadka dhexe: Sami Khedira, Real Madrid (27-sano)
Ma ogtahay: in Khedira kulankii Brazil ay Jarmalka la cayaareen u suura gashay markii ugu horeesay kulan koob aduun ah uu gool dhaliyo sidoo kalena dhiibo isla kulankaas!
Khadka dhexe: Bastian Schweinsteiger, Bayern Munich (29-sano)
Ma ogtahay: in Bastian uu Jarmalka u saftay 19-kulan oo koob aduun ah kaliya xidigaha kala ah (Lothar Matthaus, Miroslav Klose iyo Philipp Lahm) ayaa tartankan kaga safasho badan.
Kubad Sameeye: Toni Kroos, Bayern Munich (24-sano)
Ma ogtahay: in Kroos uu yahay xidiga ugu taabashada badan kubada tartankan 606-jeer ayuu kubada taabtay guud ahaan halka kulankii Jarmalka ay Algeria la cayaareen uu kubada taabtay 135-jeer!!
Kubad Sameeye: Mesut Ozil, Arsenal (25-sano)
Ma ogtahay: in Ozil uu yahay xidiga ugu kubad abuurista badan laaciibinta Jarmalka tartankan wuxuuna abuuray 15-kubadood oo gool loo filan karay!!
Weerarka: Thomas Muller, Bayern Munich (24-sano)
Ma ogtahay: in Muller uu 10-gool dhaliyay labadii koob ee ugu dambeeyay sidoo kalena 6-gool ayuu dhiibay asigoo cayaaray 12-kulan oo qura!!
Weerarka: Miroslav Klose, Lazio (36-sano)
Ma ogtahay: in Klose uu yahay laacibka ugu goolasha badan koobka aduunka sidoo kale waa laacibka labaad ee ugu safashada badan koobka aduunka waxayna min 23-kulan wada cayaareen Paolo Maldini kaliya Lothar Matthaus oo 25-kulan koobka saftay ayaa ka safasho badan, waxaa intaas usii dheer Klose oo gool dhaliyay marnaba xulka Jarmalka lagama badinin sidoo kalena waa cayaaryahanka 3-aad ee 4-koob aduun goolal ka dhaliyo!!
Macalinka: Joachim Low (54-sano)
Ma ogtahay: in Low 4-tartan ee ugu dambeesay oo u Jarmalka macalin u yahay wuxuu soo gaarsiiyay ugu yaraan nus dhumaadka labo jeer semi final ah koobka aduunka iyo labo jeer oo semi fina tartankan qaramada Yurub ah.
Argentina
Goolhaye: Sergio Romero, Sampdoria (27-sano)
Ma ogtahay: in Romero uu noqday goolhayihii ugu horeeyay ee reer Argentina ah kaasi oo 4-kulan oo koobka aduunka ah wax gool ah laga dhalinin!
Daafac garabka midig: Pablo Zabaleta, Manchester City (29-sano)
Ma ogtahay: in Zabaleta uu yaha xidiga ugu baas dhiibista badan xulka Argentina marka ay weerarka ku jiraan wuxuuna dhiibay 64-baas marka loo bar bar dhigo daafacyada kale ee xulkan ma jiro cayaaryahan intaas oo kale kubada baasay!
Daafac dhexe: Martin Demichelis, Manchester City (33-sano)
Ma ogtahay: in Martin uu 8-jeer kubada isku dhigay kulankii Argentina ay la cayareen xulka Holland wuxuuna noqday kulankaas laacibkii ugu badnaa ee kubadaha isku dhigo ama difaaco.
Daafaca dhexe: Ezequiel Garay, Zenit St Petersburg (27-sano)
Ma ogtahay: in in Garay uu yahay daafaca ugu wanaagsan Argentina marka ay timaado in kubada madaxa lagu difaaco wuxuuna madaxiisa ku difaacay 36-kubadood oo Argentina halis galin kareen tartankan.
Garabka bidix ee daafaca: Marcos Rojo, Sporting Lisbon (24-sano)
Ma ogtahay: in Rojo uu yahay daafaca ugu jalaafada badan Argentina wuxuuna jalaafay 17-jeer xidigahii ka hor imaadeen xulkan.
Khadka dhexe: Javier Mascherano, Barcelona (30-sano)
Ma ogtahay: in Javier uu yahay guud ahaan tartankan xidiga ugu jalaafada badan wuxuuna jalaafay xidigahii ka hor imaadeen 28-jeer sidoo kalena baaskiisa ma xumo madaama uu 509-jeer kubada taabtay ama baasay.
Garabka midig ee khadka dhexe: Lucas Biglia, Lazio (28-sano)
Ma ogtahay: in Lucas 90% uu saxay baaskiisa kulankii Argentina ay la cayaareen xulka Holland
Garabka bidix ee khadka dhexe: Enzo Perez, Benfica (28-sano)
Ma ogtahay: in Perez uu kaliya hal kulan 90-daqiiqo dhameestay asigoo xiran maaliyada Argentina wuxuuna kulankaas ahaa cayaar saaxiibtinimo oo ay xulkan la cayaareen Slovenia wuxuuna guud ahaan Agentina u saftay xidigan 10-kulan.
Weerarka: Gonzalo Higuain, Napoli (26-sano)
Ma ogtahay: in Higuain koobkii aduunka 2010 uu 4-goo dhaliyay sidoo kalena 4-kulan saftay balse sanadkan 2014 wuxuu cayaaray 6-kulan laakiin 1-gool ayuu dhaliyay!
Weerarka: Lionel Messi, Barcelona (27-sano)
Ma ogtahay: in Messi uu yahay xidiga ugu kubad abuurista badan tartankan madaama uu sameeyay 21-kubadood oo gool loo filan karay!
Forward: Ezequiel Lavezzi, Paris St-Germain (29-sano)
Ma ogtahay: in Lavezzi uu kaliya labo jeer laaday kubada tani waxay dhigan tahay inuu yahay xidiga ugu laadka yar weeraryahanada Argentina tartankan uga qayb qaadanayaan!
Macalinka: Alejandro Sabella (59-sano)
Ma ogtahay: in Sabella uu ku guuleestay markii ugu horeesay mudo 24-sano kadib uu xulka Argentina Finalaha koobka aduunka usoo saaro.
Profile