Home » Africa » Wasiirka Sports-ka Somalia Oo FIFA Uga Mahad Celiyay Hormarka Sports Oo Ay Somalia Gaartay

Wasiirka Sports-ka Somalia Oo FIFA Uga Mahad Celiyay Hormarka Sports Oo Ay Somalia Gaartay


Somalia

Kadib markii si guul ku dheehan usoo gaba gaboobay Course ama darsi laga baranaayay garsooranimada kaasi oo markii ugu horeesay mudo 25-sano kadib gudaha Somalia ay FIFA ku qabatay, Dowlada Somalia ayaa u mahad celisay FIFA iyo sida ay kubada cagta dalka Somalia usoo nooleesay FIFA, Wasiirka dhalinyrada iyo sports-ka Somalia mudane Khalid Ali Omar oo shir jaraa’id qabtay kana hadlay hormarka FIFA ay Somalia kusoo kordhisay ama ka caawisay wuxuu yiri “Anigoo ku hadlaayo magaca dowlada federalka Somalia, waxaan jeclaan lahaa inaan ku amaano sidoo kalena uga mahad celiyo FIFA gaar ahaan madaxweynaha FIFA Joseph S. Blatter sida ay kubada cagta Somalia u garab tagnaayeen tan iyo markii uu dalkan fowdada ku jiray mudo ka badan 20-sano”

Sidoo kale wasiirka wuxuu xiriirka kubada cagta aduunka kaga mahad celiyay dhismaha garoonka Banadir Stadium sidoo kalena wuxuu ku tilmaamay arinkaas tilaabo wanaagsan oo hore loo qaaday wuxuuna yiri “Sida aan wada ognahay Banadir Stadium si wanaagsan ayaa loo dhisay sidoo kalena caws artificial ah ayaa la dhigay dabcan mashruucaas wuxuu naga caawiyay inaan helno qalab caalami ah iyo garoon caalami ah waxaana uga mahad celinayaa hawshaas quruxda badan madax weynaha FIFA, xoghayihiisa iyo dhamaan xubnahiisa guud oo sabab u ahaayeen in hawshaad hore loo dhaqaajiyo”

Wasiirka dhalinyarada iyo Sports-ka ayaa sheegay in wadankiisa uu marwalbo xasuusnaan doono gar gaarka bini aadanimo oo ay FIFA ugu tababarucday Somalia  taasi oo bad baadisay nolosha boqolaal kun oo Somalia ah xiligii abaartii xumeed Somalia soo martay dhawaanahan wuxuuna yiri “Si wanaagsan ayaan u fahmi karaa wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeyso Xiriirka Kubada Cagta Somalia iyo FIFA inuu sababay in FIFA ay kaalmo bini aadanimo dadka Somaaliyeed lasoo gaarto xiligii gurmadka abaaraha waana muhiim isku xirka iyo wada shaqeynt wanaagsan waxaana xiriirka kubada cagta Somalia uga mahad celinaa hawl karnimada iyo xiriirka wanaagsan oo ay FIFA la sameeyeen”

F.G: warbixintan waxaa lagu qoray oo aan si rasmi ah ooga soo xiganay website-ka www.fifa.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close