Home » Horyaalada » La liga » Wargeyska Marca Oo Shaaca Ka Qaaday Xaalada Ka Dhex Taagan Lionel Messi & Kooxdiisa Barcelona

Wargeyska Marca Oo Shaaca Ka Qaaday Xaalada Ka Dhex Taagan Lionel Messi & Kooxdiisa Barcelona


Lionel Messi

Waxaan la wada soconaa in haatan xaalad cakiran ay ka dhex taagan tahay Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona madaama la isku mari la’yahay qaabkii xidigan qandaraas cusub looga saxiixi lahaa wuxuuna Messi dalbanayaa in laga dhigo laacibka aduunka ugu wanaagsan balse midaas Barcelona wey ka diiday, hadaba wargeska ugu magaca dheer dalka Spain Marca ayaa qoraal dheer ka sameeyay sheekadan wuxuuna daaha ka rogay sida ay haatan wax u socdaan, Marca ayaa sheegtay in Messi oo ugu dambeyntii kooxdiisa ka dalbanaayo in sanad walbo ay siiso €20m halka uu markii hore go’aankiisa ahaa in sanad walbo la siiyo €25m inkastoo xidigan uu tanaasul sameeyay hadana Barcelona waxay aabihiis Jorge Messi u sheegtay in wiilkiisa sanad walbo ay siin karaan €18m!

Josep Maria Bartomeu oo ah madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa ka madax adeegayo in dalabka Messi si rasmi ah loo fuliyo madaama masuulkan uu aaminsan yahay in xidigan uu haatan hoos u dhac heesto marka hore looba baahan yahay inuu dib usoo ceshto qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa ka hor inta uusan ku mashquulin inuu lacago badan garoonka Camp Nou ka qaato, waxay arintan sababi doontaa in xidiga reer Argentina uu xagaagan dalbado in la iibiyo hadii aan dalabaadkiisa la qancin karin balse Jorge Messi ayaa wargeska Marca u sheegay in wilkiisa inuusan wax talaabo ah ka qaadi doonin ila uu ka dhamaanayo tartanka koobka aduunka sidaa darteed bisha July ee sanadkan ayuu Messi si rasmi ah go’aan u qaadan doonaa inuu Barcelona lasii joogi doono ama inuu koox kale ku biiri doono.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close