Wargeyska Caanka ah ee SPORT ee kasoo baxa gudaha dalka Spain ayaa weeraray kooxda ka dhisan waqooyiga London Arsenal kadib markii ay soo gashay liiska kooxaha xiiseynaya kubad sameeyahoodii hore Cesc Fabregas kaas oo haatan ay beecineyso kooxdiisa haatan ee Barcelona.
Fabregas ayaa ku biiray Gunners 2003 isagoo ka mid ahaa wiilal tiro badan oo lagu soo barbaariyay kuleejada La Masia inkastoo uu waqti dahabi ah kusoo qaatay Gunners mudo 9-sanadood ah hadana kusoo laabashadiisii Camp Nou ayaa sanadaan culees baahsan ku yimid.
Si Kastaba Manchester United ayaa dooneysa iney xidigaan qaadato madama 45 Malyan uu kaga bixi karo Albaabka Catalonia haase ahaatee wargeyska SPORT ayaa arin layaab leh u arka in Arsenal ay soo gasho liiska kooxaha doonaya Fabregas iyadoo og qiimaha ay Barca ku dooneyso.
SPORT oo daliil ka dhiganaya lacagihii ay kasoo bixiyeen Mesut Ozil sida ay uga gilgisheen maamulka Gunners ayuu ku sheegay in dalabka Arsenal uu yahay maalaa yacni iyo waqti lumis inkastoo buu yiri aysan kooxdu awoodin lacagahaas hadana waa iney saxaafada British adeegsata si aan loo dareemin dhibka ay qabto.
Intaas kuma uusan hakan wargeyska ee wuxuu u sheegay maamulka Barcelona iney Man United kala xaajoodan arimaha Cesc madama kooxdiisii hore aysan awodin lacagahaas inkastoo jamaahiirta Gunners ay warkaas u dareemeen in wargeysku uu daba dhilif u yahay Manchester United.
Ali
May 21, 2014 at 12:49 PM
Waxasi maxey kuhadlayan wargeyskasi wu walan yahay war fbrigas meel kale uma so socdo aan arsenal ahayn