Warbixintaan ayaan ku eegi doonaa xidigaha hogaanka u haya gooldhalinta horyaalada ugu caansan qaarada yurub sidoo kalan waxaan soo bandhigi doona guud ahaan sida ay u kala horeeyaan shantaas horyaal.
Horyaalada aan ka falanqeyn doono gooldhalintooda waxaa ugu horeyn doona horyaalka ugu daawashada badan uguna wanaagsan waqtigaan qaarada yurub ee Premier League, waxaan sidoo kale eegi doonaa horyaalada: Serie A-da, La Liga, League 1 & Bundesliga kuwaas oo haatan maraya meel xasaasi ah.
PREMIER LEAGUE (ENGLAND):
Gooldhalinta horyaalka Premier League waxaa horkacaya weerarahanka kooxda Liverpool & Xulka Uruguay Luis Suarez kaas oo saxiixay 14-gool, arinta mudan in la xuso ayaa ah in xidigaan Liverpool ka tirsan uusan dhalin wax gool ku laad ah ama Rigoore xili ciyaareedkaan horyaalka Premier League.
Qaabka Kala Horeynta :
1. Luis Suarez (Liverpool) 14-gool
2. Sergio Aguero (Manchester City) 12-gool
3. Daniel Sturridge (Liverpool) 9-gool
4. Romelo Lukaku (Everton) 8-gool
5. Aaron Ramsey (Arsenal) 8-gool
6. Loic Remy (Newcastle United) 8-gool
7. Wayne Rooney (Man United) 8-gool
8. Olivier Giroud (Arsenal) 7-gool
9. Yaya Toure (Man City) 7-gool
10. Robin Van Persie (Man United) 7-gool
SERIE A-DA (TALYAANIGA):
Horyaalka Serie A-da oo ay sanadkaan waayay Edinson Cavani waxaan gooldhalintiisa hogaaminaya xidiga da’da yar ee xulka Azzuri Guizeppe Rossi oo ka tirsan naadiga Fiorenntina kaas oo saxiiay 12-gool, (5-ka mid ah goolashaas waa rigoore ama gool ku laad).
Qaabka Kala Horeynta :
1. Guizeppe Rossi (Fiorentina) 12-gool
2. Rodrigo Palacio (Inter Milan) 9-gool
3. Alesio Cerci (Torino) 8-gool
4. D. Berardi (Sossuolo) 7-gool
5. Jose Callejon (Napoli) 7-gool
6. Jorginho (Chievo Verona) 7-gool
7. Gillardinho (Bologna) 7-gool
8. Higuain (Napoli) 7-gool
9. Carlos Tevez (Juventus) 7-gool
LA LIGA (SPAIN):
Horyaalka La Liga xiligaan waxa uu tabayaa Lionel Messi oo dhaawac ku maqan waxaaana hogaanka gooldhalinta ku raaxeysanaya hogaamiyaha Madrid C. Ronaldo kaas oo leh 17-gool, (5-ka mid ah goolashaas waa gool ku laad ama rigoore).
Qaabka Kala Horeynta :
1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 17-gool
2. Diego Costa (Atletico Madrid) 15-gool
3. A. Griezmann (Real Sociedad) 9-gool
4. Karim Benzema (Real Madrid) 8-gool
5. Jonas (Valencia) 8-gool
6. Lionel Messi (Barcelona) 8-gool
7. Alexis Sanchez (Barcelona) 8-gool
8. David Villa (Atletico Madrid) 8-gool
BUNDESLIGA (GERMANY):
Gooldhalinta horyaalka Jarmalka ee Bundesliga waxaa hogaanka u haya weeraryahanka xulka Poland iyo Kooxda Borrusia Dortmund Roberto Lewandowski kaas oo leh 11-gool (3-ka mid ah goolashiisa ayaa ah rigoore).
Qaabka Kala Horeynta :
1. R. Lewandowski (Borrusia Dortmund) 11-gool
2. V. Ibišević (Stuttgart) 9-gool
3. S. Kießling (Leverkusen) 9-gool
4. M. Mandžukić (Bayern Munich) 9-gool
LEAGUE ONE-KA (FRANCE):
Horyaalka Faransiiska waxaa hogaanka u haya gooldhalintiisa kabtanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic kaas oo leh 13-gool (4-ka mid ah goolashiisa waxey yihiin rigoore).
Qaabka Kala Horeynta :
1. Zlatan Ibrahimovic (Paris Saint Germain) 13-gool
2. Edinson Cavani (Paris Saint Germain) 11-gool
3. V. Aboubakar (Lorient) 9-gool
4. Radamel Falcoa (Monaco) 9-gool
Dhamaan Horyaaladaan shanta ah ee ugu waaweyn yurub waxaan gooldhalintooda horkacaya C. Ronaldo oo ah wiilka ugu goolasha badan 17-gool ayuu dhaliyay waxaana soo labeeyay Luis Suarez oo ka tirsan Liverpool, waxaana soo sadaxeeya Zlatan Ibrahimovic halka Guizeppe Rossi uu ku jiro kaalinta afaraad.