Xulka Jarmalka taariikh ahaan 3-jeer ayay koonka aduunka ku guuleestay sidoo kalena 4-jeer waa laga qaaday waa xulka ugu kulamada badan tartankan sidoo kalena laaciibin farabadan oo koobka aduunka magac ku leh ayay soo saareen balse daraasad la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay 24-sano ee ugu dambeesay ama 4-koob ee ugu dambeesay xulka Jarmalka iyo xidigahiisii ugu caansanaa waxayna daraasadan diirada saartay xidigahii ugu waxqabadka badnaa xulka Jarmalka ee koob aduunka ka qayb galeen iyo wixii ay soo bandhigeen, sidoo kale xogtaan markii baaritaankeeda la waday waxaa la wareestay dadweynaha reer Jarmal ee da’dooda u dhaxeyo 16 ilaa 86-sano kuwaas ayaana ka talo bixiyeen ama doorteen 6-xidig Ee Ugu Caansan Xulka Jarmalka 4-koob Aduun Ee Ugu Dambeesay:
6. Thomas Mueller: 24-jirkan 8-koob ayuu cayaaray wuxuuna dhaliyay 8-gool. wuxuuna ku guuleestay kabaha dahabka iyo xidigii dhalinta yaraa midka ugu wanaagsan sanadii 2010.
5. Oliver Kahn: halyeegan 8-koob aduun ayuu saftay wuxuuna ku guuleestay laacibkii ugu wanaagsanaa tartankan sanadii 2002.
4. Miroslav Klose: 15-gool ayuu koobka ka dhaliyay sidoo kalena kabaha dahabka sanadii 2002 ayuu ku guuleestay waana xidiga ugu goolasha badan tartankan Ronaldo ayaa iskoorkan la wadaago.
3. Rudi Voeller: 8-gool ayuu koobka aduunka ka dhaliyay wuxuuna saftay 15-kulan sidoo kalena xulka Jarmalka sanadii 1990 ayuu koobkan kula guuleestay.
2. Jurgen Klinsmann: 11-gool ayuu koobka aduunka ka dhaliyay wuxuuna xulkiisa u saftay 17-kulan sidoo kalena sanadii 1990 ayuu Jarmalka koobkan la qaaday haatana tababaraha xulka USA.
1. Lothar Matthaeus: 25-kulan ayuu koobka aduunka cayaaray 6-gool ayuuna ka dhaliyay halyeegan waa kabtankii xulka Jarmalka u qaaday koobkan 1990 sidoo kalena waa xidiga ugu safashada badan xulka Jarmalka asigoo cayaaray 150-kulan waana laacibka kaliya ee reer Jarmal kaasi oo ku guuleestay xidiga aduunka ugu wanaagsan.
Xidigo U Qalmeen In Liiskan Lagu Soo Daro Sidoo Kalena Amaan Mudan:
Inkastoo 6-xidig ee sare ku xusay aan la gaari karin hadana waxaa jiraan xidigo xulka Jarmalka wax weyn u qabteen 24-sano ee ugu dambeesay kuwaas oo mudan in la xuso waxayna xidigahaas kala yihiin:
Michael Ballack, Philipp Lahm, Bastian Schweinsteiger iyo Mesut Ozil.
waa rag culus jarmal waa libaxyada yurub viva jarmal madaama ay yihiin libaaxyada yurub ? viva hiilkubad