Sida ay qoreen warar ka imaanaya gudaha garansiiska wakiilka daafaca kooxda As Roma Mehdi Benatia ayaa ku sugan magaalada Barcelona si uu wadahadal ula galo kooxda Bulgarana.
Daafacaan buuxa ee reer Morocco ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu isaga tagi doono Olympico marka uu furmo suuqa kala iibsiga, Barcelona ayaana haatan diyaar la ah 30 Malyan Oo Euro.
Wararkaan ka imaanaya dalka faransiiska aya sidoo kale qeexaya in Benatia uu kusii dhawaanayo inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona.
Bulgarana ayaa horay ugu raad joogtay daafac awood leh oo ku wanaagsan booska dhexe, waxeyna ku hungowday saxiixda David Luiz oo ay la saxiixatay kooxda Paris Saint Germain.