Tababaraha aan wali loo magacaabin xilka Manchester United haatana hogaaminaya Xulka Holland Louis Van Gaal ayey wargeysyada gudaha dalka England kasoo calaameeyeen 11-ka xidig oo uu damacsan yahay inuu ku shirtago xili ciyaaredka soo aadan hadii majaraha kooxda loo dhiibo.
Kaliya Shan Xidig ayuu ka xushay naadiga haatan ee Man United: De Gea, Jones, Rafael, Mata & Robin Van Persie isagoo qashinka ku shubay hogaamiyahya aan laga mari karin Jamaahiirta kooxda ee Wayne Rooney kaas oo ah xidiga ugu shacbiayda balaaran Manchester United.
Tababare Louis Van Gaal ayaa dalbaday 200 Malyan oo uu suuqa ku galo waxaana uu balan qaaday in United uu kusoo celin doono booskii ay yurub kaga jirtay hadii loo madax baneeyo shaqada kooxda isla markaana taagerayaasha ay sameeyaan dulqaad ku filan.
Si Kastaba Van Gaal ayaa kooxda United doonaya inuu kusoo biiriyo: Luke Shaw oo ka tirsan Southampton, Matts Hummels oo ka tirsan Dortmund, William Carvalho oo isna u ciyaara Sporting Lispon, sidoo kale liiska waxaa ku jira Toni Kroos oo ka tirsan Bayern Munich iyo Xidigaha aan kala dhicin ee Thomas Muller iyo Edinson Cavani.
Shaxda uu ciyaari doono waa 4-2-1-3: Waxaana weerarka matali doona: Muller, Cavani iyo RVP, halka dhexda ay matali doonaan: Mata, Kroos iyo Carvalho.
Arintaan ayaa muran badan dhalisay iyadoo United ay dhawaan heshiis cusub ka saxiixday Rooney iyadoo ka dhigtay xidiga ugu mushaarka badan kooxda.
Wayne Rooney ayaan u adkeysan karin kursi keyd iyo in laga dhigo xidigaha darajada hoose wuxuuna mar walba doonaya inuu madaxa u hayo kooxda.
Todobaadkii hore xidigii hore Bayern Munich Mehmet Scholl ayaa u digay Rooney isagoo kaga digaya imanshaha Van Gaal isago ku sheegay tababare fiican balse aan jecleen wiilasha hogaanka u haya kooxaha uu maamulo.