Daraasad la soo saaray ayaa muujinaysa, Qaraha in uu u wanaagsan yahay caafimaad ahaan dadka Ciyaartooyda ah oo ka qeyb qaata qeybaha kala duwan ,waxaana ay sii iftiimisay daraasaddaan Qaraha in uu dajiyo wadno garaaca taas oo awood u siinayso qofka Ciyaartooyda ah inuu inbadan sii cayaaro ama ka qeyb qaato baratanka Ciyaaraha.
Seynisyahanada soo saray daraasadan, waxaa ay xuseen Qaraha in uu dawo u yahay cuduro badan, faa’ido gaar ahna u leeyahay dadka la kulma wadno garaaca oo ay ugu horeeyaan dadka Ciyaara sida Ciyaaraha (Kubada Cagta, Teeniska, Dabaasha, Oradka, iyo dhamaan qeybaha kale ee Ciyaaraha).
Cilmi baarayaashaan u dhashay Dalka Mareykanka ayaa ku taliyeen in Xabxabka Isticmaalkiisa la joogteeyo oo dadka ay si joogta ah u isticmaalaan cunista iyo Cabista Xababka/Qaraha, waxayna sheegeen in dadka ay ka heli karaan Qaraha Tamar/Energy taas oo qofka awood u siinayso inuu waxbadan ka qeyb qaato baratanka Ciyaaraha.
Dalala Badan oo laga ciyaaro kubadda cagta ayaa la soo sheegayaa in hadda aay looga isticmaalo biyaha qaraha, waxaana xitaa kamida qaarada yurub ee laatiin america, In kastoo aan la shaacib magac ahaan dalalka kubada cagta ku hormaray ee aaminsan qaraha kuwaas oo hadda isticmaala, balse waxaa awood badan uu ku leeyahay dalalka carabta oo laga isticmaala marka ciyaartoydu dhameestaan ciyaaraha.