Home » Maxaa Cusub » Warbixin Muhiim Ah: Abaal Marinada Lacageed Oo Ay 20-Ka Naadi Premiership-ka Xili Cayaareedkan Heleen Ayaa Shaaca Laga Qaaday

Warbixin Muhiim Ah: Abaal Marinada Lacageed Oo Ay 20-Ka Naadi Premiership-ka Xili Cayaareedkan Heleen Ayaa Shaaca Laga Qaaday


EPL table

Horyaalka England waa midka aduunka ugu wanaagsan waxaana laga daawadaa dhamaan daafaha caalamka sidaa darteed horyaalkan ayaa soo gaaray heer gabo gabo ah dabcan hal kulan oo qura ayaa ka harsan sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday war bixin muhiim ah oo ka hadleyso 20-ka naadi ee xili cayaareedkan 2013/14 horyaalkan ku loolameen iyo abaal marinada lacageed oo ay heleen waxaana daqligan loo kala qaaday: Sida ay kooxaha kaalimaha ugu kala sareeyaan ayay lacag ku heleen, Daqliga dhanka TV-ga oo loo wada siman yahay iyo kulamada Live ah inta jeer ee koox walbo si toos ah loo daawaday iyada lcag ayay ku heshay sidaa darteed xogtaan muhiimka ah waxay taabaneysaa meel badan, tusaale ahaan koox walbo todobaad walbo kaalinta ay ku jirto waxay ku heleysaa £1.2 million naadiga Cardiff oo ugu hooseyso booskeeda £1.2 million ay ku helysaa halka Fulham oo ku xigto ay heleyso £2.4 million sidaas ayay lacagta sare ugu si soconeysaa ilaa safka hore laga gaaro.

Dhanka daqliga TV-ga koox walbo waxay xaq u leedahay inay hesho £23 million sidoo kalena £32 million waxay ku heleysaa cayaaraheeda caalamka laga daawaday sidaa darteed £55 million ayay wadarta guud dhanka daqliga TV-ga ka heleysaa koox walbo, waxaa intaas sii dheer kulan walbo oo ay kooxaha Live loo daawado waxay ku heleysaa £750,000 tusaale ahaan hadii Everton 25-kulan si toos ah cayaaraheeda loo daawaday xili cayaareedkan waxaa loogu dhufanaa (25x £750,000), Hadava tusaale badan kadib fadlan hoos kaga bogo xogtan oo dhameestiran iyo koox walbo abaal marinada lacageed oo ay heshay xili cayaaeedkan 2013/14:

No Naadi Abaal marinta lacageed Daqliga Tv Lacagta LIVE-ka lagu helaayo TOTAL
1 Man City £24.0m £55m 25*£750k=£18.7m £96m
2 Liverpool £22.8m £55m 28*750k=£21.0m £98m
3 Chelsea £21.6m £55m 24*750k=£18.0m £94m
4 Arsenal £20.4m £55m 25*750k=£18.7m £93.4m
5 Everton £19.2m £55m 16*750k=£12.0m £86.2m
6 Tottenham £18.0m £55m 23*750k=£17.3m £90.3m
7 Man United £16.8m £55m 25*750k=£18.7m £90.5m
8 Southampton £15.6m £55m £7.5m (10 matches) £78.5m
9 Newcastle £14.4m £55m 14*750k=£10.5m £79.5m
10 Stoke City £13.2m £55m £7.5m (5 matches) £75.7m
11 C. Palace £12.0m £55m £7.5m (10matches) £74.5m
12 West Ham £10.8m £55m 15*750k=£11.3m £77.1m
13 Swansea £9.6m £55m 13*750k=£9.7m £74.3m
14 Sunderland £8.4m £55m 13*750k=£9.7m £73.1m
15 Aston Villa £7.2m £55m 15*750k=£11.3m £73.5m
16 Hull City £6.0m £55m £7.5m (9 matches) £68.5m
17 West Brom £4.8m £55m £7.5m (8 matches) £67.3m
18 Norwich £3.6m £55m £7.5m (9 matches) £66.1m
19 Fulham £2.4m £55m £7.5m (7 matches) £64.9m
20 Cardiff £1.2m £55m £7.5m (7 matches) £63.7m

F.G:Naadiga lacagta ugu badan usoo xarooday xili cayaareedkan waa kooxda Liverpool inkastoo Man City horyaalka hogaamineyso hadana Liverpool 28-kulan ayaa si toos ah loo daawaday halka Man City 25-kulan si toos ah loo daawaday xili cayareedkan. Sidoo kale shaxda waxay ku saleesan tahay sida ay kooxaha u kala sareeyaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close