Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Louis Van Gaal Oo Mar Isku Dayay Inuu Arturo Vidal La Saxiixdo

Warbixin: Louis Van Gaal Oo Mar Isku Dayay Inuu Arturo Vidal La Saxiixdo


Manchester United, Man Utd news, Man Utd team news, Man Utd transfers, Man Utd transfer news, Man United, United, Red Devils, Louis Van Gaal, Van Gaal,

Tababaraha haatan wada xulka Holland ee ku sugan Brazil kuwaas oo soo istaagay wareega 8-da koobka Aduunka isla markaana kadib koobka Aduunka si rasmi ah ula wareegi doona kooxda Manchester United oo uu heshiis u saxiixay ayaa gocday waqti hore oo uu isku dayay inuu la saxiixdo halyeeyga reer Chile Arturo Vidal.

Kubad sameeyahaan haatan ka tirsan kooxda sadexda jeer heysata horyaalka talyaaniga Juventus ayaa xiliga uu Van Gaal isku dayay saxiixiisa ku sugnaa kooxda Bayer Leverkusen ee dalka Jarmalka iyadoo Van Gaal uu tababare u ahaa Bayern Munich.

Macalinka reer Holland ayaa yiri: “Waxaan had iyo jeer doonayay Vidal, xita markii uu joogay Bayer Leverkusen, balse wuxuu aaday kooxda Juventus”

Arturo Vidal ayaa 8 Malyan Oo Pound ugu biiray kooxda Juventus 2011 isagoo kasoo tagay kooxda Leverkusen.

Louis Van Gaal ayaana kusoo gambanaya dalabkiisii hore isagoo doonaya inuu dalab u diro Vidal si uu dhexda kooxda United ugu xoojiyo inkastoo Vidal uu ka warqabo in kooxda Red Devils lagu neynaaso aysan ka qeyb galeynin koobka Horyaalada Yurub ee Champions League xiliga soo aadan.

Wararka ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa qeexaya in Vidal uu ku faraxsan yahay nolosha Talyaaniga gaar ahaan magaalada Torino, balse wax walba waxey kala cadaan doonaan maalmaha soo socda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close