Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Liverpool Oo Fasaxday Dheeraad Ah Siisay Mario Balotelli kadib Markii Uu Geeriyooday Aabahii Soo Korsaday

Warbixin: Liverpool Oo Fasaxday Dheeraad Ah Siisay Mario Balotelli kadib Markii Uu Geeriyooday Aabahii Soo Korsaday


Silvia-and-Francesca

Kooxda Liverpool ayaa fasax siisay weeraryahankeeda reer talyaani Super Mario Balotelli waxeyna u ogolaatay inuu seego wareega hore kulamada fasaxa ay kooxda aadi doonto dhawaan.

Wiilkaan reer talyaani ayaan kusoo laaban tababarka kooxda Liverpool shalayto oo ay aheed maalintii ugu horeysay, ka hor kulamada fasaxa ah oo ay kooxda isugu diyaarineyso bilawga xagaaga soo aadan.

Telegraph ayaa qortay inuu geeriyooday aabahii soo korsaday xidigaan heerka caalami kaas oo lagu magacaabi jiray Francesco, todobaadkaan gudahiisa ayuu geeriyooday waxeyna Liverpool xidigaan siisay fasax dheer xili ay Axadda uu duulayaan dalka Australia.

Mario Balotelli asal ahaan waa Ghana, waxaana iska dhalay Thomas iyo Rose Baruwah, wuxuuna ku dhashay 1990-kii magaalada Palermo ee dalka talyaniga xili ay waalidiista ahaayeen kuwo qaxooti ku ah dalka Italy.

Silvia iyo Francesco ayaana soo korsaday Mario Balotelli tan iyo sadex jirkiisii, waxeyna hooyadaan kasoo muuqatay koobkii Euro 2012 iyadoo tageere u ah wiilkeeda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>