Liverpool ayaa ku warantay iney doorbideyso saxiixa goolhayaha xulka Spain iyo kooxda Barcelona Victor Valdes kaas oo la xaqiijiyay inuu ka tagayo Camp Nou marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub.
Goolhayahaan qabiirka ah ayaa la filayaa inuu boorsooyinkiisa ka qaato Camp Nou marka ay dhamaato bishaan markaas oo uu ku dhamaanayo qandaraaskiisa uu kula joogay kooxdii uu kusoo barbaaray ee Bulgarana.
Kooxda Monaco ayaa si ba’an loola xiriirinayaa goolhayahaan heerka caalami balse arinta shakiga abuurtay ayaa ah in Monaco ay ka niyad jabtay dhaawicii soo gaaray xidigaan bishii April, balse Liverpool ayaa dooneysa iney ka faa’ideysato goolhayahaan mudada badan garoomada kusoo jiray.
Valdes ayaa la xaqiijiyay inuu maqnaan doono labada bilood ee ugu horeysa horyaalada yurub, balse Liverpool ayaa dooneysa iney qaadato isagoo dhaawac ah isla markaana ay ka warsugto dhaawiciisa.