Home » Europe » Champions League » Warbixin lasoo saaray: kooxaha ugu maaliyadaha qaalisan qaarada Yurub yaa ka mid ah?

Warbixin lasoo saaray: kooxaha ugu maaliyadaha qaalisan qaarada Yurub yaa ka mid ah?


Kooxaha ugu caansan qaarada Yurub waxay ku mashquulsaneeyaan ka qayb qaadashada koobka horyaalada Yurub intooda badan guulo muhiim ah ayya gaareen halka qaarkoodna guuldarooyin la yaab leh ay la kulmeen balse waxaan idiin heynaa war bixin laga soo saaray kooxaha ugu maaliyadaha qaalisan qaarada Yurub, waxaana warbixintan lagu saleeyay sida joogtada ah ee koox walbo maaliyadeeda u iibsadaan iyo qiimaha ay ku gataan. dhanka Premiership-ka labada Manchester maaliyadahooda waxaa lagu iibsadaa £55 halka Chelsea iyadana lagu iibsado £49.99 sidoo kalena Arsenal waxaa lagu iibsadaa maaliyadeeda £50 balse aan si guud u fiirano kooxaha ugu maaliyadaha qaalisan iyo kuwo raqiiska maaliyadooda taageerayaasha uga iibiyaan.

images-21

Maaliyada Manchester United oo lagu iibsado £55
article-2442496-1876C2CA00000578-100_634x430

 Arsenal oo ka mid ah kooxaha raqiiska ku iibiyaan maaliyadooda £50 

Balse waxaa lala yaabay in naadiga  Zenit St Petersburg ee ka dhisan dalka Russia lagu iibsado maaliaydeeda £87.16, sidoo kalena FC Basle, Steau Bucharest iyo Shakhtar Donetsk iyagana raqiis laguma helo funaanadahooda.

Sedex-da naadi ee reer Spain: Barcelona, Real iyoAtletico Madrid  waxay ka mid yihiin kuwa ugu qaalisan maaliyadooda 

article-2442496-1859DF7500000578-800_634x396

La yaab Zenit St Petersburg maaliyadeeda waxay dul dhigtay  £87.16!

article-2442496-1871A4EC00000578-259_306x423  article-2442496-18711F5000000578-445_306x423

Sidoo kale Steau Bucharest (bidix) iyoFC Basle iyagana qaai badana maaliyadooda!

Naadiga Bayern Munich oo difaacaneyso Champion-ka iyadana waxay ka mid tahay kooxaha sida raqiiska ah maaliayadeeda ku iibiso waxayna taageerayaasheeda kaga iibisaa qimo gaarayo(£50.15).

Kooxda ugu maaliyada raqiisan ayaa noqtay naadiga Benfica, waxaana maaliyadeeda suuqa looga heli karaa  £25 halka kooxda reer Turkey  Galatasaray iyadana maaliyadeeda lagu heli karo  £42. 

 

10-ka naadi ee ugu maaliyada raqiisan Yurub:

Benfica – £25.01

Galatasaray – £41.82

Viktoria Plzen – £42.14

CSKA Moscow – £48.34

Chelsea – £49.99

Arsenal – £50

Bayern Munich – £50.15

Olympiakos – £50.19

Celtic – £55

Man United/Man City – £55

10-ka naadi ee ugu maaliyada qaalisan qaarada Yurub

Zenit St Petersburg – £87.16

FC Basle – £81.27

Steau Bucharest – £78.51

Shakhtar Donetsk – £76.40

Juventus – £71.11

Paris St Germain – £71.11

Porto – £71.11

Barcelona – £71.10

Atletico Madrid – £67.76

Real Madrid – £66.93

Close