Wararka ka imaanayo dalka Portugal ayaa sheegayo in kooxda Juventus ay ku dhaw dahay lasoo wareegida daafaca reer Brazil Luisao sidoo kalena kabtan u ah naadiga Benfica, xidigan waaya araga ah ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Juventus waxaana lagu wadaa inuu magaala Turin usoo duulo maal maha nagu soo fool leh si uu tijaabo caafimaad u maro.
33-jirkan ayaa la sheegay inuu heshiis 3-sano ah kooxda Juventus ka aqbalay sidoo kalena sanad walbo wuxuu mushaar ahaan u qaadan doonaa €3m, inkastoo Juventus iyo Luisao ay wax walbo ka wada heshiiyeen hadana kooxdiisa Benfica ayaa ka hortaagan inuu magaalada Turin u dhaqaaqo waxay dooneysaa in €4m la siiyo si ay daafacan waaya araga ah kaga samarto.
Kooxda Juventus ayaa sheegtay inaysan wax lacag ah Benfica siin doonin waxayna ka filayaan kooxda reer Portugal inay daafacan waaya araga ah iska fasaxaan balse Benfica waxay dooneysaa in la tixgaliyo qandaraaska uu xidigan kula joogo madaama labo sano u harsan tahay waxaana la filaa in labadan naadi ay wada hadalo rasmi ah yeelan doonaan maal maha nagu soo fool leh si Luisao loogu fududeeyo ku biiritaanka kooxda Juventus.
Profile