Asal Brazilka qaata dhalashada Spain Diego Costa ayaa qeyb ka noqday fadeexad tii ugu xumeyd oo soo wajahda xulka La Roja kadib markii iyagoo difaacanaya koobka Aduunka ay ku hareen wareega groupyada ee koobka Aduunka iyadoo ay taasi usii dheer tahay in labadii kulan ee ay ciyaaren ay dhaliyeen kaliya 1-rigoore oo Costa lagu galay kulankii Netherlands.
25-jirkaan waxaa la filayaa inuu 32 Malyan Oo Pound ugu biiro kooxda Blues marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda yurub wuxuuna ku fashilmay inuu hal darbo la beegsado goolka xulalka kasoo horjeeda xili uu hormuud u ahaa kacdoonkii Diego Simeone ee Atletico Madrid ay dhigtay xagaagii dhamaaday.
Kaliya maahan in Diego Costa uu ku fashilmay inuu goolka beegsado ee Torres, Lukaku & Eto’o oo dhamaantood ah xidigo Chelsea u diwaan gashnaa xiligii magacaabista Koobka Aduunka ayaan iyaguna goolka la beegsan wax kubad ah taasoo ka dhigan in Habaar uu heysto weeraryahanada Chelsea.
Diego Costa ayaa fahmi waayay qaab ciyaareedka Tiki-taka ee Spain isagoo badal ku baxay labadii ciyaar ee ay ciyaareen wuxuuna wada ahaan ciyaaray 126-daqiiqo taasoo ka dhignaatay inuu tuuray hal darbo oo aan goosha ku aadin iskaba daa inuu gool shabaqa dhexdhigee marka laga reebo rigoore lagu galay isaga.
Su’aal ayaana la iska weydiiyay in Go’aanka Chelsea uu yahay: “God Mudgi Ah Gacan Gashi” Taasina waxey dhalisay in la isku raaco in Habaar heysto Weerarka Chelsea.
Fernando Torres (Spain): 30-jir,
Wuxuu ciyaaray 68-daqiiqo, laba kulan ayuuna kasoo muuqday,
Wax Darbo ah ma ridin iska dabaa gool iyo iney goosha ku aado.
Romelu Lukaku (Belgium): 21-jir
Wuxuu ciyaaray 58-daqiiqo, hal kulan ayuuna kasoo muuqday
Wax Darbo ah ma ridin iska dabaa gool iyo iney goosha ku aado.
Diego Costa (Spain), 28-jir
Wuxuu ciyaaray 126-daqiiqo, laba kulan ayuuna kasoo muuqday,
Wuxuu Riday Hal Darbo, Kumana aadin goolka, mana u noqon inu dhaliyo
Samuel Eto’o: (Cameroon), 33-jir
Wuxuu ciyaaray 90-daqiiqo, hal kulan ayuu kasoo muuqday
Hal Darbo ayuu riday, balse kuma aadin shabaqa
Arintaan xiisaha leh ayaa noqoneysa in Jose Mourinho uu u baahan yahay ka fiirsasho hor leh ka hor inta uusan 32 Malyan gacanta u galin kooxda Atletico Madrid, inkastoo Blues ay 50 Malyan kasoo bixisay Torres oo aan wax magac ku yeelan mudadiisa Stamford Bridge.
Hadaba Diego Costa Maku Haboon Yahay Chelsea?