Home » Horyaalada » La liga » Warbixin: Barcelona Oo Sheegtay In Dani Alves Qiimo Jaban Lagu Qaadan Karo!

Warbixin: Barcelona Oo Sheegtay In Dani Alves Qiimo Jaban Lagu Qaadan Karo!


Alves

Naadiga Barcelona ayaa si rasmi ah u sheegtay in daafaceeda waaya araga ah Dani Alves ay qiimo jaban ku fasaxi doonto, xidiga reer Brazil tan iyo bilawgii xagaagan ayaa la hadal haayay inuu garoonka Camp Nou isaga tagi doono balse ma uusan helin naadi uu ku biiro madaama koox walbo ka cabsi qabtay in qiimo badan ay Barcelona du dhigto balse haatan maamulka Catalunya ayaa shaaca ka qaadeen in alves laga iibn doono kooxdii la timaado €2.1m!

Sababta Barcelona ay ruug cadaagan qiimo jaban ugu fasixi doonto ayaa lagu sheegay inuu mushaaraad badan kooxdan ka qaato sidoo kalena macalinka cusub ee hogaanka Barcelona la wareegay Luis Enrique lama dhacsano qaab cayaareedka Alves oo koobkii aduunka dhawaan dalka Brazil lagu soo gaba gabeeyay ku fashilmay sidaa darteed Barcelona waxay Alves ku fasixi doontaa isla qaabkii ay xagaagii hore ku fasaxday David Villa oo qiimo jaban xiligaas ugu biiray naadiga Atletico Madrid, Alves mudo 12-bilood oo qura ah ayaa kaga harsan qandaraaska uu haatan Barcelona kula joogo ilaa haatan ma jirto koox uu dalab wanaagsan ka helay madaama PSG ay gabi ahaanba dib u liqday damacii kaga jiray saxiixiisa.


Close