Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Arsenal Oo Diego Costa Ku Qaadan Rabto £31m Iyo Juve Oo Heshiis La Gaartay Nani

Warbixin: Arsenal Oo Diego Costa Ku Qaadan Rabto £31m Iyo Juve Oo Heshiis La Gaartay Nani


Costa

Sida aan kasoo xiganay wargeska The Mirror naadiga Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu guuleesan rabto saxiixa weeraryahanka xulka Spain iyo naadiga Atletico Madrid Diego Costa waxayna Arsenal ku qaadan rabtaa £31m, war bixitan ayaa lala yaabay madaama la wada aaminsanaa in Costa uu Chelsea ku biiri doono xagaagan madaama Blues horey u sheegtay inay weeraryahankan heshiiska shaqsiga ah la gaartay sidoo kalena ay Atletico ku wareejin doonto £31m.

Balse Arsenal ayaa isku kalsoon inay saxiixa Costa dhigeeda Cheslea kaga guuleesan karto madaama naadiga Atletico Madrid aysan weli si rasmi ah dalabka Cheslea u aqbalin sidaa darteed loolanka Diego Costa waa mid u furan koox walbo wuxuuna wargeska Mirror sadaalinaa in macalin Arsene Wenger uu si lama filaan ah saxiixa gool dhaliyaha qaarada Yurub ugu awooda badan uu si sahlan Chelsea kaga guuleesan rabo.

Juventus Strike Nani Deal

Geeska kale kooxda Juventus ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday inay heshiis la gaartay xidiga reer Portugal Nani oo la hubo inuusan kusii nagaan doonin garoonka Old Trafford waxayna Juve xidigan tayada wanaagsan ku qaadan doontaa €5M, wargeska Tuttosport ayaasi rasmi ah sheekadan u xaqiijiyay wuxuuna wargeskan caanka ah sheegay in Juve iyo Man United ay heshiis ka wada gaareen arinka Nani  oo mudo dheer lala xariirinaayay inuu kooxda Juve ka mid noqon doono balse xagaagan ayay xidigan tayada wanaagsan u suura gali doontaa.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close