Home » Maxaa Cusub » RAI SPORT: Antonio Conte Oo Ogolaaday Inuu Noqdo Tababaraha Xulka Talyaaniga

RAI SPORT: Antonio Conte Oo Ogolaaday Inuu Noqdo Tababaraha Xulka Talyaaniga


Conte

Rai Sport ayaa cadeeyay in Antonio Conte uu heshiis la gaaray xiriirka kubada cagta talyaaniga si uu u noqdo macalinka cusub ee xulka Azzurri.

Tababarahii hore Juventus ayaa si ba’an loola xiriirinayay inuu qabto xilka tababaranimo ee xulka, kaas oo macalin la’aan ahaa tan iyo kasoo laabashadii koobka Aduunka markaas oo Cesar Prandelli uu iska casilay xilkii uu u hayay xulka, balse Conte ayaa iska casilay shaqada kooxdiisa si naxdin leh bishii hore taasoo ka dhigan inuu doonayay caawinta qarankiisa.

Si Kastaba Televesion-ka RAI SPORT ayaa si rasmi ah u shaaciyay in galabta ay heshiis wada gaareen xiriirka kubada cagta talyaaniga iyo Antonio Conte wuxuuna ahaan doonaa macalinka xulka qaranka 2-da sano ee soo aadan.

Antonio Conte ayaa noqon doona macalina labaad ee ugu mushaarka badan aduunka, isagoo sanadii qaadan doona 4 Malyan Oo Euro waxaana kaliya ka sareyn doona Fabio Capello oo haya xilka Russia.

Ugu dambeyntii mushaaraadka macalinkaan waxaa bixin doona xiriirka kubada cagta talayaniga iyo shirkada dharka u sameysa xulka qaranka ee PUMA hadii sida wax loo filayo u dhacaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close