Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Antonio Conte Oo Alexis Sanchez Weydiistay Inuu Juve Kusoo Biiro

Warbixin: Antonio Conte Oo Alexis Sanchez Weydiistay Inuu Juve Kusoo Biiro


Sanchez

Tababaraha Juvnetus Antonio Conte ayaa si shaqsi ah u weydiistay Alexis Sanchez inuu kusoo biiro kooxdiisa sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha talyaaniga.

Weeraryahankaan reer Chile ayaa la hadal hayaa inuu ka hayaami doono Camp Nou xagaagan waxaana saxiixiisa isku haya kooxaha Juventus iyo Manchester United oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub.

Balse Tuttusport ayaa xaqiijisay in subaxnimadii maanta uu Aantonio Conte si shaqsi ah u weydiistay Alexis Sanchez inuu kusoo biiro kooxdiisa Juventus, warbixinta ayaa intaas ku dartay in Conte uu xidigaan u sheegay inuu u yahay muhiim isla markaana uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku dagaal gali doono xili ciyaareedka soo socda.

Wararka ka imaanaya gudaha talyaaniga ayaa sidoo kale tilmaamaya in Alexis Sanchez qudhiiisa uu doorbidayo inuu aado Torino madama uu joogo saaxiibkiisa qaaliga ah Arturo Vidal.

Juventus ayaa dagaal cusub ka bilaabi doonta yurub madama Antonio Conte uu ku fashilmay sadexdii sano ee lasoo dhaafay inuu wax uun kasoo qabto Yurub.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close