Kooxda heysata horyaalnimada Spain iyo Yurub ee Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa garabka kooxda Man United Angel Di Maria sida ay qortay majalada Sport.
Angel Di Maria ayaa kaliya kusoo biiray Man United bilowga xagaagii dhamaaday wuxuuna lacago rikoor ah uga soo biiray kooxda Real Madrid, balse xili ciyaareed xanuun badan kadib waxaa la hadal hayaa inuu dib ugu laabanayo horyaalka Spain isagoo la coloobi doona kooxdiisii hore.
Mustaqbalka Di Maria ayaan wali saldhigan inkastoo Louis Van Gaal uu doonayo inuu fursad siiyo xidigaan xagaaga soo aadan hadana niyad jabkii uu xagaagan la kulmay ayaa wali walac ku haya.
Si kastaba Sports oo ah majalad kasoo baxda gobolka Catalunya ayaa warkaan shaacisay inkastoo aan la ogeen in sheekadan ay tahay sheeko rasmi ah.
Ugu dambeyntii Di Maria ayaa ku sugan haatan Chile wuxuuna xulkiisa kala qeyb galayaa koobka Latin America, Colombia ayeyna ku beegan yahiin Quater Finalka tartankaan.