Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada: Mario Balotelli, Eduardo Vargas & Jack Rodwell

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada: Mario Balotelli, Eduardo Vargas & Jack Rodwell


Balotelli

Waa Subaxnimo Jimco ah xiliga geeska Afrika, Meel Walba oo aad aduunka ka joogtana Maalin Wanaagsan iyo Waqti Wanaagsan, Saakay iyo Wararkii ugu dambeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartouyda.

Sports Mole ayaa soo tabineysa wararkii ugu xiisaha badnaa suuqa kala iibsiga iyo waxyaabaha xanta ah ee ay qorayaan warbaahinta kubada cagta caalamka, Hiilkubad ayaana isha kusoo xaday arimaha la xiriira suuqa kala iibsiga.

Xaalada Mario Balotelli?

Ac Milan ayaa damacsan iney Arsenal kasoo xado xidig muhiim ah iyadoo u adeegsaneysa iibka Mario Balotelli waxeyna diyaar u tahay in heshiiska Mario lagu lifaaqo da’yarka reer Costa Rica Joe Campbell oo ay dooneyso iney Sansiro keento

Weeraryahanka reer Chile Eduardo Vargas?

Napoli ayaa dooneysa iney ka dulqaado kooxaha Premier League saxiixa xidiga Fiorentina Eduardo Vargas kaas oo lagu qiimeeyay aduun dhan 9 Malyan Oo Pound.

Sheekada Burburiyihii Ku Lumay Manchester City Jack Rodwell

Tababaraha cusub ee West Bromwich Albion Alan Irvine ayaa Manchester City usoo bandhigay xiisaha uu u qabo inuu qaato xidigooda Jack Rodwell.

Louis Laing?

Xidigi Kooxda Sunderland Louis Laing ayaa si xor ah ugu biiray kooxda Nottingham Forrest kadib markii ay iska sii deysay kooxdiisa maanta.

Marouane Fellaini & Manchester United?

Kubad sameeyaha xulka Belgiumka Marouane Fellaini ayaa ka dhawaajiyay inuu dagaal u gali doono booskiisa kooxda Manchester United xili ciyaareedka Soo Aadan.

Liverpool, Arsenal & Marucio Isla?

Liverpool ayaa Arsenal kula biirtay xiisaha daafaca midig ee kooxda Juventus iyo Xulka Chile Marucio Isla kaas oo wacdaro ka dhigaya Koobka Aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close