Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Wargeysyada Ingiriiska Ay Ka Qoreen Kubada Cagta Saaka

Wararkii Ugu Dambeeyay Wargeysyada Ingiriiska Ay Ka Qoreen Kubada Cagta Saaka


Wargeys

Maanta oo isniin ah iyo waxyaabihii ugu dambeeyay oo ay wargeysyaada ingiriiska ka qoreen kubada cagta ayaan jecel nahay inaan idiin soo koobno, inkastoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub uu xiran yahay hadana koox walba waxey u sii udubyo aruursaneysaa furitaanka suuqa oo furmaya bisha June ee soo aadan.

Wararkaan aan idiin soo qornay xaqiiqnimadooda masuul kama nihin, kaliya waxaan kasoo minguurinay wakaaladaha iyo wargesyayda ku hor qoran iyaga ayaana leh xuquuqda wararkaan.

Kaliya Hiilkubad.com, waxey leedahay turjumaada wararkaan oo ku qornaa afka qalaad.

Tababaraha Xulka Holland Louis Van Gaal Ayaa diyaar u ah inuu sadex sano heshiis ah la galo kooxda Manchester United si uu tababare rasmi ah ugu noqdo xagaaga dambe.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Milkiilaha kooxda West Ham United David Sullivan ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay go’aan ka gaari doonto dhawaan mustaqbalka tababare Allardyce oo ay taagerayaasha kooxda kacdoon ku yihiin

Sida ay qortay: Daily Mirror

Tababaraha Newcastle United Alan Pardew ayaa isha ku haya kubad sameeyaha kooxda Swansea City Jonjo Shelvey

Sida ay qortay: Daily Mirror

Kooxaha Arsenal & Tottenham ayaa Liverpool kula biiray ceyrsiga loogu jiro weeraryahanka da’da yar ee kooxda Lyon Alexandre Lacazette

Sida ay qortay: The Sun

Manchester United ayaa dadaal dheeri ah ku bixin doonta helitaanka daafaca bidix ee kooxda Schalke 04 Sead Kolasinac

Sida ay qortay: Daily Express

Tababaraha kooxda Stoke City Mark Hughes ayaa doonaya inuu si rasmi ah ula wareego xidiga uu amaahda ku heysto ee Oussama Assaidi

Sida ay qortay: Daily Express

Tababaraha kooxda Everton Robert Martinez ayaa doonaya inuu xagaagan sameeyo 7-saxiix si kooxda sanadka soo aadan u  tiigsato booska afaraad oo haatan farahooda kasii baxaya

Sida ay qortay: Daily Mail

Kooxda Liverpool ayaa laba xidig ka dooneysa Bayer Leverkusen Emre Can iyo Heung-Min Son ayeyna xagaagan lasoo saxiixan doontaa.

Sida ay qortay: Daily Star

Paul Ince oo ah da’yarka Blackpool ayaa u duulay magaalada Athens si uu ula kulmo maamulka kooxda Olympiakos oo dooneysa iney la wareegto xidigaan

Sida ay qortay: Channel News Asia

Tababare Louis Van Gaal oo bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigan doona laba xidig oo khadka dhexe ah hadii shaqada Manchester United loo dhiibo [Toni Kroos iyo Kevin Strootman] ayuuna keeni doonaa Old Trafford.

Sida ay qortay: Daily Star

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close