Maalin Wanaagsan dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee sida tooska ah ugu xiran Shabakada hiilkubad, waxaan idiin soo koobeynaa warbixinadii ugu hadal heynta badnaa maanta suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay qoreen wargeysyada ka faalooda arimaha ciyaara.
Shabakadda Hiilkubad masuul kama ahan xaqiqda wararkaan, balse waxey leedahay turjumaada waxaana wararka kasoo xiganay wargeysyada ku hoos qoran warbixinta.
Kubad Sameeyaha Bayern Munich Toni Kroos ayaan wali mustaqbalkiisa kala cadeyn inkastoo Muller iyo Lahm ay heshiisyo cusub u saxiixen kooxdooda.
Sida ay Qortay: Daily Mail
Daafaca bidix ee kooxda United Alex Buttner ayaa ku biiraya kooxda Dinamo Moscow madama uusan ku jirin qorshaha Louis Van Gaal ee kooxda.
Sida ay Qortay: Daily Mail
Liverpool iyo Everton oo ku tartamaya saxiixa Stephane Mbia, kaas oo qandaraaskiisa uu dhacay waxeyna ku heli karaan si xor ah.
Sida ay Qortay: Daily Mail
Luis Nani oo doonaya inuu soo afjaro nolosha Manchester United isagoo ka cabsi qaba inuu noqon waayo doqa Louis Van Gaal.
Sida ay Qortay: The Sun
Wesley Sneijder oo jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda Manchester United isagoo u xilana tababarahiisa Xulka Holland Louis Van Gaal.
Sida ay Qortay: The Sun
Southampton oo Arsenal kula dagaalameysa goolhayaha Cardiff City Marshall kaas oo doonaya inuu sameeyo muuqaal cajiib leh madama kooxdiisa ay heerka labaad u labaatay.
Sida ay Qortay: The Sun
Weerayahankii hore kooxaha Inter, Chelsea, Anzhi & Barcelona Sameul Eto’o oo dalab ka helaya kooxaha Roma iyo kooxo ka dhisan mareykanka.
Sida ay Qortay: The Sun
Tababare Branden Rodgers oo Southampton ka doonaya Adam Lallana iyo Dejan Lovren isagoo siinaya lacag kaash ah iyo Fabio Borini oo weerarka kaga ciyaara.
Sida ay Qortay: Daily Mirror
Samir Nasri oo maalmaha soo socda heli doona heshiis kordhin iyo mushaar kordhin madama uu isbuucii qaadan doono 180,000 Isbuucii.
Sida ay Qortay: Daily Mirror
Manchester United oo dooneysa iney lacag kaasha ah iyo Bebe ay kusoo badalato xidiga kooxda Benfica Nicolas Gaitan.
Sida ay Qortay: Daily Mirror