Waa Arbaco aan eegno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo xanta ay wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka talyaaniga iyo kuwa kale ee yurub ay ka qoreen kubada cagta.
Shabakadda Hiilkubad masuul kama ahan xaqiiqda warkaan, wararka ku qoran qeybta hoose xuquuqdooda waxaa iska leh wargeysyada iyo wakaaladaha ku hoos qoran, Kaliya Shabakadda waxey sameysay turjumaan si akhristayaasha afka soomaaliga ku hadla ay u arkaan wixii ay qoreen.
Kooxda Galbeedka London ka dhisan ee Chelsea ayaa dooneysa iney soo afduubato weeraryahanka kooxda Hoffenheim Roberto Firmino.
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Express
Sidoo kale Blues ayaa rajeyneysa iney hal sano oo heshiis dheeraad ah ka saxiixdo halyeeygooda reer England Frank Lampard.
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Mail
Arsnal oo isha la raaceysa weeraryahanka Kooxda Swansea City iyo Xulka Ivoary Coast Wilfried Bonny
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Mail
Kabtanka Kooxda Southampton ayaa codsi u gudbinaya kooxdiisa si uu ugu biiro Liverpool ka hor koobka Aduunka.
⇒ Sida Ay Qortay: The Guardina
Samuel Eto’o oo si lama filaan ah kubada cagta kaga fariisan doono isagoo tababare u noqon doona kooxdiisii hore Anzhi Makhachkala ee dalka Russia.
⇒ Sida Ay Qortay: The Sun
Kubad burburiyaha Kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa albaabka u furay kooxdiisii hore Liverpool
⇒ Sida Ay Qortay: Mirror
Daafaca kooxda Mancester City Micah Richards oo shaaca ka qaaday inuu isaga tagi doono kooxdiisa marka uu dhamaado xagaagan.
⇒ Sida Ay Qortay: Mirror
Kooxda Arsenal oo u dhaqaaqday so xerogelinta garabka Real Madrid iyo Xulka Argentina Angel Di Maria, sidoo kale Manchester City ayaa xiiseyneysa.
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Star
Taageerayaasha Liverpool ayaa soo jeediyay in Xidiga Everton Ross Barkley la keeno Anfield xili labada koox uu ka dhaxeeyo xifaaltan baahsan.
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Star
Mauricio Pochetino oo hogaanka u haya shaqsiyaadka la filayo in tababare looga dhigo Tottenham Hotspur
⇒ Sida Ay Qortay: Daily Star