Home » Horyaalada » La liga » Wararkii Ugu Dambeeyay Saxiixa Luis Suarez & Waqtiga La Dhameyn Doono Oo La Shaaciyay

Wararkii Ugu Dambeeyay Saxiixa Luis Suarez & Waqtiga La Dhameyn Doono Oo La Shaaciyay



Iyadoo labadaan bari saxaafada caalamka ay ka aamustay arinta ku aadan heshiiska Luis Suarez ee Barcelona ayaa hadanha qabiirkaCiyaaraha Spain Guillem Balague ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la dhameyn doono heshiiska xidigaan uu ugu wareegayo kooxda Barcelona ee dalka Spain.

Weeraryahanka Liverpool ayaa la rajeynayaa inuu ku biiro kooxda Barcelona isagoo kooxda reer Ingiriis ee Liverpool uu kaga soo wareegayo 75 Malyan Oo Pound.

Kooxda Reds ee Anfield ku ciyaarta ayaa rajeyneysay iney heshiiska xidigaan qeyb kaga dhigto helitaanka Alexis Sanchez balse xidigaan reer Chile ayaa diiday isagoo haatan kusii dhawanaya inuu ku biiro kooxda Arsenal.

Guillem Ballague

Qoraaga Ku Xeel Dheer Arimaha Ciyaaraha Spain (Guillem Ballague)

Guillem Balague oo ah qoraa caan ku ah wax ka qorista arimaha horyaalka La Liga ayaa si rasmi ah u sheegay in heshiiska Suarez iyo Barcelona lasoo afjari doono dhamaadka isbuucaan.

“Waa wax iska cad in Barcelona iyo Luis Suarez ay isla saaran yihiin hal mowjad” Ayuu Balague u sheegay Sky Sports News.

Guillem Balague ayaa sidoo kale qiray in Barcelona ay dooneyso in ka hor heshiiska Suarez ay soo afjarto Arinta Sanchez si lacagaha ay xidigaan uga hesho ay qeyb kaga dhigto lacagta Suarez uu ku imaanayo Camp Nou.

Si kastaba saxafigaan ayaa qiray in maalinta jimcaha ah la dhameyn doono heshiiska xidigaan reer Uruguay waxaase Fifa ay ogolaatay inuu kaliya maro tijaabo caafimaad balse looma ogolaan doono inuu tababar la sameeyo kooxdiisa cusub.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close