Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta Kubada Cagta Iyo Xanta Wargeysyada

Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta Kubada Cagta Iyo Xanta Wargeysyada


Transfer-talk

Maalin Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasha Shabakada Ciyaaraha Hiilkubad waa xubintii aan maalin walba idinkugu soo gudbin jirnay Wararkii ugu dambeeyay ee ay qoraan wargeysyada kubada cagta iyo Xanta hordhaca u ah Suuqa Kala Iibsiga ee furmaya Bisha January..

Barcelona Ayaa isha ku heysa kubad sameeyaha 21-jirka ah ee kooxda Arsenal Jack Wilshere kaas oo ay u aragtay badalka Xavi iyo Iniesta. [Waxaa Qortay Daily Star]

Juventus ayaa dooneysa iney qaab amaah kula soo saxiixato weeraryahankii hore kooxda As Roma Osvaldo kaas oo haatan ka tirsan naadiga Southampton. [Waxaa Qortay Daily Mirror]

Barcelona iyo Man United oo ku loolamaya saxiixa xidiga kooxda Malaga Brahim kaas oo 14-jir ah. [Waxaa Qortay:  Daily Mail].

Tottenham oo soo bandhigtay qiimaha rasmiga ah ee ay ku dooneyso kubad sameeyaha xulka Croatia Alen Halilovic iyadoo ku dooneysa £17m. [Waxaa Qortay: Daily Express]

Liverpool oo ka fiirsaneysa iney qaab amaah ku bixiso daafaceeda xoogan ee Wisdo. [Waxa Qortay: Daily Star]

Ferguson oo beeniyay in buugiisa cusub uu kusoo daabici doono qilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo Rooney. [Waxaa Qortay The Sun]

Arsenal oo qorsheyneysa iney qandaraaka u kordhiso Wojciech Szczesny, xili 23-jirkaan heerka caalami heshiiskiisa uu dhacaayo 2015. [Waxaa Qortay: Daily Mirror]

Tababaraha cusub ee Sunderland Gus Poyet ayaa doonaya in Wes Brown uu ciyaaro kulanka darbiga ah ee Newcatle sabtia soo aadan. [Waxaa Qortay: Daily Mirror]

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close