Maalin Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad waa barnaamijkii aan idinkugu soo koobi Jirnay Xanta Suuqa kala Iibsiga iyo Kooxaha Yurub wararki ugu dambeeyay oo ay ka qoreen wargeysyada Kubada Cagta.
Waa 11-November-2013 Wararka Suuqa Kala Iibsiga waxaa ugu muhiimsan maanta:
Macalin Masimiliano Allegri oo qarka u saaran in laga raacdeeyo kooxda Milan hadii uu dhibaato u horseedo kulanka Chievo waxaana booskiisa u sharaxan Weeraryahankii hore kooxda Filippo Inzaghi.
[Sida ay qortay: Corriere Dello Sports]
Ac Milan oo indhaha kala qaaday markaana dooneysa kubad sameeyaha da’da ah ee xulka Spain Xabi Alonso kaas oo ku sugan Kooxda Real Madrid.
[Sida ay qortay: Corriere Dello Sports]
Fiorentina iyo Inter Milan oo hogaanka u haya loolanka loogu jiro xidigii hore kooxda Bologna iminkana ka tirsan kooxda Southampton ee Premier League Gaston Ramirez.
[Sida ay qortay: talkSPOR]
Rodgers oo wacad ku maray inuu January keeni doono Anfield Weeraryahanka kooxda Olympiakos Konstantinos Mitroglou.
[Sida ay qortay: Daily Mirror]
Caawiyihii Hore Jose Mourinho xiligiisi Madrid Karanka ayaa la filayaa inuu qabto xilka Kooxda Crystal Palace ee horyaalka premier League.
[Sida ay qortay: The Guardian]
Aabaha Dhalay Kubad Sameeyaha Xulka Jarmalka Ilky Gundagon oo beeniyay in wiilkiisa uu heshiis hrodhac ah la gaaray kooxda Real Madrid xili wiilkaan heshiiska dortmund uu dhacayo 2015.
[Sida ay qortay: The Bild]
Kooxda Marwada duqda ah ee Juventus oo u dhaqaaqday kubad burburiyaha kooxda Paris Saint Germain [ku dhashay Brazil] balse heysta dhalashada Azzuri Thiago Motta kaas oo waqti xun uu ku hayo Paris.
[Sida ay qortay: Tuttosport]
Ac Milan oo ku raad joogta daafaca keydka ka noqday kooxda As Roma ee Nicolas Burdisso wuxuuna dhici doonaa heshiiska uu kooxda kula jiro dhamaadka xiligaan.
[Sida ay qortay: Corriere dello Sport]
Mario Balotelli oo qarka u saaran inuu isaga hayaamo Kooxda Ac Milan xili uu dalab ka helay kooxaha ka dhisan Premier League.
[Sida ay qortay: Corriere dello Sport]
Chelsea oo u dhaqaaqday saxiixa da’yarka kooxda Schalke 04 Max Meyer.
[Sida ay qortay: Der Westen]
Arsenal oo hogaanka u heysa Loolanka Loogu Jiro Chicharito Hernandez kaas oo keyd ka noqday Man United.
[Sida ay qortay: Daily Mail]
Manchester United oo lacagtii ugu badneyd usoo bandhigtay iney kula soo saxiixato Sami Khedira oo ka tirsan Real Madrid.
[Sid aay qortay: Daily Mirror]
Liverpool oo dooneysa iney amaah ku fasaxdo January xidigeeda reer Jamaica ee Sterling.
[Sida ay qortay: Dailly Mirror]
Waxaa Aqrisay: (653)
Mogadishu - Somalia