Wararkii Subaxnimo Oo Goos-Goos Ah: {Wax Walba Ka Ogow Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda”
Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
Taariikhda: May 14, 2014

Waa Subaxnimo Arbaco ah taariikhduna waa 14-ka May -201 Waxaan idiin soo koobnay wararkii ugu dambeeyay ee ay qoreen wargeysyada kubada cagta iyo xanta suuqa kala iibsiga.
Dhamaan Kooxaha Yurub Ayaa isku diyaarinaya suuqa kala iibsiga ee bisha June Furmi doona balse dukaameysiga ugu xooga badan wuxuu dhici doonaa kadib koobka Aduunka.
- Eden Hazard ayaa si rasmi ah ugu guuleestay laacibka ugu wanaagsan kooxda Chelsea xili cayaareedkii dhamaaday balse macalin Mourinho ayaa xidigan ka dalbaday inuu dadaal dheeraad ah la imaado xili cayaareedka dambe.
- Naadiga Inter Milan ayaa haatan u weecatay sidii ay kusoo xero halin laheed Alvaro Negredo kadib markii Chelsea sheegtay in Fernando Torres uusan beec ahayn.
- Kooxda Chelsea ayaa sheegtay inay Philipp Coutinho lasoo saxiixan doono xagaagan si uu booska Oscar u buuxiyo inkastoo Liverpool sheegtay in xidigan uusan beec ahayn.
- Kooxaha Southampton iyo Liverpool oo xiriirkooda xumaaday madaama Southampton ay Lallana dul dhigtay 37-milyan oo euro ah halka Liverpool ay ku fikireesay ina xidigan ku heli doonto 27-milyan oo euro ah.
- Kooxaha Juventus iyo Napoli oo hogaanka u qabteen loolanka loogu jiro saxiixa Javier Mascherano.
- Arsenal oo ku guul dareesatay saxiixa wiilka reer Morocco Nabil Jaadi kaasi oo doortay inuu ku biiro naadiga Udinese.
- Kooxda Liverpool ayaa isku taxluujineyso inay lasoo saxiixato kubad sameeyaha reer Russia Alan Dzagoev kana tirsan naadiga CSK Moskow.
- Rio Ferdinand oo ay macquul tahay inuu dib ugu laabto kooxda West Ham sidoo kalena naadiga QPR ayaa ruug cadagan lasoo xariirtay.
- Luis Van Gaal iyo Man United oo arinkooda wada dhameesteen wuxuuna macalinka qalinka ku duugi doonaa heshiis 3-sano ah asigoo sanad walbo qaadan doono £7m.
- Tababaraha xulka England oo u sheegay Lallana iyo Shaw inay mustaqbalkooda goor hore xalistaan madaama uusan rabin xarunta tababarka England ay imaadaan wakiilo ama shaqsiyaad Liverpool iyo Man United ka socdaan.
- Roberto Di Matteo ayaa siweyn loo hadal hayaa inuu tababare u noqon doono naadiga Entricht Franfurt ee ka dhisan dalka Jarmalka.
- David Moyes isagana kooxda West Brom ayaa lasoo xariirtay balse jagada kooxda Tottenham ayuu damav kaga jiraa macalinkan.
- Inter Milan oo diyaar u ah inay Erik Lamela dib ugu celiso Serie A-da balse Tottenham xidigan lacago badan ayay dul dhigtay.
Like this:
Like Loading...