Home » Horyaalada » Bundesliga » Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad:

Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad:


Wargeys1

Waa Maalin Jimo ah oo ay taariikhduna tahay 16-May-2014, wararkii saakay ay kubada cagta ka qoreen wargeysyada iyo website-yada afka qalaad ee kubada cagta ayaan idiin soo gudbineynaa.

Inkastoo suuqa kala iibsiga uu xiran yahay hadana waxaa jira xan ay baahiyeen warbaahinta caalamka kubada cagta kuwaas oo hordhac u ah suuqa kala iibsiga ee furmi doona bisha June ee soo aadan.

  • Naadiga Everton ayaa qarka u saaran inay 6-milyan oo pound k iibsato xidiga Flop-ka ka noqday Man United Tom Cleverley.
  • Kooxaha Dortmund iyo Juventus ayaa kulan wada qaateen waxayna ka wada hadleen qaabkii Dortmund looga iibin lahaa Ciro Immobile oo haatan ka tirsan Torino balse miliyadiisa qayb ka mid aay Juve leedahay waxayna Juve soo dhaweesay dalabka naadiga reer Jarmal inkastoo Juve ay dhankeeda dalbatay in heshiiskan uu qayb ka noqdo Mats Hummels.
  • Naadiga Inter Milan ayaa wada xaajood rasmi ah la furtay kubad bur buriyaha Liverpool Lucas Leiva oo la hubo inuu xagaagan Anfield isaga tagi doono.
  • Man United ayaa ahmiyad gaar ah siin doonto soo xero galinta Kevin Strootman waxayna United dalab lagu sheegay 34-milyan oo euro ah u gudbisay kooxda AS Roma oo uu xidigan ka tirsan yahay.
  • Naadiga Napoli ayaa xidigeeda Valon Behrami dul dhigtay 20-milyan oo euro a waxaana saxiixiisa ku raad joogaan Tottenham iyo Dortmund.
  • Mario Mandzukic oo iska diiday dalabkii Arsenal wuxuuna xidigan wargesyada dalkiisa Croatia kasoo baxo u sheegay inuu Real Madrid ku biiri doono hadii ay xagaagan kooxdiisa Bayern fasaxeyso.
  • Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dagaalamayaan saxiixa Salomon Kalou oo horey ugu cayaari jiray Chelsea balse haatanka tirsan naadiga Lille ee dalka France wuxuuna xidigan diyaar u yahay inuu EPL dib ugu soo laabto.
  • Bacary Sagna ayaa wada hadalo rasmi ah la furay maamulka kooxda Man City waxaana la filaa inuu xidigan City ku biiro maal maha nagu soo fool leh asigoo si xor ah uga mid noqon doono.
  • Bayern Munich ayaa dhigeeda Chelsea ka dalbatay in David Luiz iyo Mario Mandzukic ay labadan naadi is dhaafsadaan waxaana haatan laga sugaa jawaabta ay Blues arinkan ka bixin doonto.
  • Macalinka Liverpool Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisa ay hormar wanaagsan ka sameesay sidii ay kusoo xero galin laheed 18-jirka daafaca kaga cayaaro naadiga Hamburg Jonathan Tah iyo xidiga garabka bidix ee dadafac Sevilla kaga cayaaro Alberto Moreno.
  • Macalin Van Gaal ayaa wargesyada dalka Holland  u sheegay inuu Man United keeni doono xidigaha kala ah Thomas Muller, Arjen Robben iyo Mats Hummels oo dhamaantood Bundesligaha Jarmalka ka cayaaraan.
  • Xidiga naadiga Tottenham ka tirsan Andros Townsend ayaa haatan lasoo xariireen kooxaha Everton iyo New Castle asigoo diyaar u ah inuu dalabyadan kala doorto.
  • Liverpool ayaa isha la raaceyso kubad sameeyaha naadiga Valencia Daniel Parejo waxaana 25-jirkan lagu qiimeeyaa 20-milyan oo pound sidoo kalena Arsenal iyo Everton ayaa saxiixiisa ku raad joogaan.
  • Man City ayaa sheegtay inay ku guuleesatay soo xero galinta daafaca naadiga Roma iyo xulka Moroco Mehdi Benatia waxayna City ku qaadan doontaa 20-milyan oo euro ah.

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Wararkii Subaxnimo Ee Caalamka Kusoo Kordhay Kaga Bogo Hiilkubad:

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 16, 2014 at 10:06 AM

    Alberto moreno iyo daneil prejo Jonathan tah isbedel ayay kooxda kusoo kordhin karaan lkn carvalho iyo konopliyank iyo rikitic ayaan kasii jeclaan lahaa vivaLiverpool++++++hiilkubad+

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close