Wararkii Maanta Oo Goos-Goos Ah & Xanta Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
Taariikhda: May 20, 2014

Maanta waa Talaado waxaana idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay xanta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo sida uu xaal yahay maanta.
Wali ma furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda balse waxaa lagu jiraa xusul doob iyadoo koox walba dooneysa iney ka kaluumeysato Brazil oo ah halka ay isugu imaanayaan 736-ciyaariyahan & 32-macalin.
Kaba soo tage Haatan maxey kooxaha isku sheegeen ama ay hadal hayaan bal nala aqri inyar:
- Kooxda Man United ayaa sheegtay inay 40-milyan oo euro ah kula soo saxiixan doonto Arturo Vidal
- Sinisa Mihajlovic ayaa kusoo baxay musharaxa ugu cad cad ee la hadal haayo inuu tababare Conte badali doono
- Gudoomiye ku xigaanka kooxda Milan Adriano Galliani ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato kooxda Valencia wuxuuna doonayaa in Adil Rami si toos ah looga iibiyo.
- Barcelona oo sheegtay inay €55m ku fasixi doonto Cesc Fabregas!
- Weeraryahanka naadiga Juventus Fernando Llorente aya dalab ka helay kooxda Barcelona.
- Man United ayaa wakiilo u dirtay dalka Holland si ay heshiis ula gaaraan xidiga naadiga Feyenoord Jordy Clasie.
- Real Madrid ayaa si rasmi ah u sheegtay in Pepe uu cayaari karo Finala Champion-ka.
- Kooxda Bayern Munich ayaa sheegtay inay ka hor istaagi doonto Emre Can inuu ku biiro Liverpool madaama Bayern sanadkii hore ay xidigan Leverkusen ka iibisay waxay awood u leedahay inay dib u ceshato weliba qiimo jaba ayay ku ceshan kartaa!
- Barcelona ayaa daafaca kooxda Roma Mehdi Benatia ahmiyaad gaar ah saxiixiisa siin doonto waxayna ku dooneysaa €35 million.
- Daafaca naadiga Porto Magalada oo ka dalbaday Chelsea inay iibsadaan madaama uu jecel yahay ka hoos cayaarida macalin Mourinho.
- Kooxda Napoli ayaa dooneyso Steven Jovetic oo Man City ka tirsan inay Serie A-da dib ugu soo celiso.
- David Silva ayaa ka gaabsaday wararka la xariirinaayo kooxda Barcelona,
- Ronaldinho oo maamulka Barcelona kula taliyay inay Messi farxad galiyaan sidoo kalena ay xidigan ceshtaan.
- Xavi oo dhabarka jug kasoo gaartay lamana hubo halista soo wajihi karto ruug cadaagaan.
Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.
More Posts - Website
Like this:
Like Loading...