Wararki Ugu Dambeeyey Suuqa Kala IIbsiga, Wargeysyada Iyo Xidigaha La Hadal Hayo Maanta
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: June 24, 2014

Suuqa kala iibsiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey aad u shidnaa iyadoo marba la hayo xidigo inay ka tagi doonaan kooxohooda Halka kuwa kale ay kooxo cusub tagayaan, haddaba waxaan akhristayaasheena sharafta leh idiin soo gudbineynaa xidigaha maanta la hadal hayo iyo wararkii ugu dambeyeey ee wargeysyada ay saakay daabaceen.
- Samuel Eto’o oo dalab ka helay kooxda AC Milan xidigan koox la’aanta ah dalabka Milan maka faa’iideesan doonaa?
- Man United oo heshiiska shaqsiga ah la gaartay Luke Shaw waxayna todobaad walbo siin doontaa £100,000 sidoo kalena dabyaaqada todobaadkan ay heshiiskiisa soo afjari doontaa.
- Arsenal oo sheegtay inay dalab rasmi ah u diiri doonto daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic.
- Arsenal oo wada xaajood la furtay wakiilka xidiga xulka Colombia iyo naadiga Fiorentina Juan Guillermo Cuadrado.
- Romelu Lukaku oo qiimahiisa hoos u dhac ku yimid kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay waxayna haatan sheegtay Chelsea inay £20 million dalab ah aqbali doonto!
- Xidigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Chelsea Raul Meireles ayaa dib ugu soo laaban doono Premiership-ka waxaana qiimo jaban oo lagu sheegay £3 million kusoo iibsan rabto West Ham.
- Liverpool oo ku guul dareestay isku daygii ugu horeeyay oo ay ku dooneesay inay kula soo saxiixato Radamel Falcao madaama xidigan uu Real Madrid oo kaliya doonayo.
- Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa la sheegay inay is dhaafsan rabaan xidigaha kala ah Sanchez iyo Llorente.
- Angel di Maria oo ay u badan tahay inuu qayb ka noqdo heshiiska ay Real Madrid ku dooneyso inay Arturo Vidal kula soo saxiixato.
- Inter Milan ayaa isku diyaarineyso inay €15m kula soo saxiixato Nani
Like this:
Like Loading...
Thnks bahda hiilkubad waxn jclan laha o inka codsan slahaa in aad nala socd sisaan xlka livrpol e alex sanches adam lalana and shaqiri iyo xdga naga si tagaayo ee super suarez