Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Man United: Xiisahii Carvalho Oo Soo Noqday, Loolanka Lars Bender & Chicharito Oo La Doonayo

Wararka Suuqa Man United: Xiisahii Carvalho Oo Soo Noqday, Loolanka Lars Bender & Chicharito Oo La Doonayo


William Carvalho

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay ka qoreen warbaahinta kubadda cagta kooxda Manchester United.

William Carvalho

Sida ay qortay The Sun kooxda Manchester United ayaa soo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay burburiyaha kooxda Sporting Lisbon William Carvalho iyadoo sidoo kale Arsenal ay xiiso u qabto xidigaan heerka caalami.

Xidigaan reer Portugal waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 24 Malyan Oo Pound, wuxuuna ku haminayaa inuu koox weyn kasoo muuqdo.

“Waan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro England” ayuu yiri Carvalho, “Sida aan filayo qaab dhismeedkeyga jirka wuxuu ii saamixi karaa inaan si wanaagsan ug asoo muuqdo halkaas”

Javier Hernandez “Chicharito”

Inter Milan ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato Javier Hernandez sida lagu qoray website-ka talyaaniga ah ee Tuttomercatoweb.

Wiilkaan reer Mexico ee xagaagii dhamaaday amaahda ugu ciyaarayay kooxda real madrid isagoo waliba aan boosjoogta ah ka helin

Hernandez wax mustaqbal ah umayaalo Old Trafford kooxduna waxa ay doonaysaa in ay ku iibiso lacag dhan £11m.

Lars Bender
Louis van Gaal ayaa doonaya in uukeeno Old Trafford  Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bayern Leverkusen isagoona u arka in uu badal unoqon karo  Michael Carrick

ciyaariyahankaan Heerka caalami ee udhashay dalka Germany Bender, kaas oo lagu qiimeeyay  lacag dhan £ 13m, ugu dambayntii waxaa sidookale xidigaan kula loolamaya kooxaha  Arsenal iyo Barcelona

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>