Wararka Subaxnimo Oo Goos Goos Ah [Wax Walba Ka Ogow Halkaan]
Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
Taariikhda: May 15, 2014

Waa Maalin Khamiis ah oo ay taariikhduna tahay 15-May-2014, wararkii saakay ay kubada cagta ka qoreen wargeysyada iyo website-yada afka qalaad ee kubada cagta ayaan idiin soo gudbineynaa.
Inkastoo suuqa kala iibsiga uu xiran yahay hadana waxaa jira xan ay baahiyeen warbaahinta caalamka kubada cagta kuwaas oo hordhac u ah suuqa kala iibsiga ee furmi doona bisha June ee soo aadan.
- Xulka Brazil ayaa beeniyeen inay Barcelona ka dalbadeen inay Neymar la nasiyo kulanka ugu dambeeyo oo ay kooxdan la cayaari doonto naadiga Atletico Madrid La Ligaha Spain.
- Leonardo ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto jagda agaasime ee kooxda PSG madaama 44-jirkan ganaaxiisa laga qafiifiyay uu soo dhameestay.
- Alex Del Piero ayaa aad ula yaaban ismari waaga ka dhex taagan maamulka Juve iyo macalin Antonio Conte wuxuu soo jeediyay in tababarahan shaqadiisa loo dhaafo.
- Luis Suarez ayaa beeniyay inuu la xariiray maamulka kooxda Real Madrid inkastoo sheekadan dalka Spain laga hadal haayo.
- Naadiga New Castle ayaa xaqiijisay in macalin Alan Pardew uu shaqadiisa sii wadan doono.
- Liverpool iyo Man United ayaa shaaca ka qaadeen inay doonayaan xidiga dhalinta yar ee kooxda Inter Milan ku faanto Kovacic
- Madaxda kooxda AC Milan ayaa la xariireen macalin Lugiano Spalletti si ay hogaanka kooxdan ugu dhiibaan.
- Wayne Rooneyo oo xaalkiisa laga cabsi qabo waxaana la marsin doonaa tijaabo iyo tababar dheeraad ah ka hor inta aanan loo xulin koobka aduunka.
- Arsenal oo sheegtay inay kala dooran doonto Angel Di Maria iyo Julian Drexler midkii ay lacago badan xagaagan kula soo saxiixan laheed,
- Kooxaha Liverpool, Ma United iyo Arsenal ayaa dhamaantood si toos ah ula xarireen naadiga Anderlecht si looga iibiyo daafaca hormarka wanagsan sameyneyo Cheikhou Kouyate.
Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.
More Posts - Website
Like this:
Like Loading...