Home » Horyaalada » Bundesliga » Warar Sport Oo Goos Goos Ah [ Ogow Wax Walba Oo Ku Saabsan Kooxda Aad Taageerto ]
Warar Sport Oo Goos Goos Ah [ Ogow Wax Walba Oo Ku Saabsan Kooxda Aad Taageerto ]
Waxaa Qoray: Moha Mohamud Hassan
Taariikhda: May 8, 2014

Xulka Spain oo shaaca ka qaadeen inay cayaar saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulalka Jarmalka iyo France waxay Spain la cayaari doontaa France horaanta bisha September ee sanadkan halka Jarmalka ay la cayaari doonaan 18 November.
- Javier Zanetti oo sheegay in todobaadkan nagu soo fool leh uu si rasmi ah kooxdisa Inter Milan u macsalaameyn doonto.
- Macalin Arsene Wenger oo sheegay in kooxdiisa Arsenal labo sano ka hor ku guul dareesatay saxiixa Hazard balse uusan midaas ka xumeyn.
- Kompany iyo Pogba oo safka hore kasoo galeen liiska xidigaha Barcelona ay dooneyso xagaagan.
- Juventus oo heshiis la gaari rabto Alexis Sanchez todobaadyada nagu soo fool leh ayay dhameestiri doontaa.
- Conte oo go’aan culus hordhigay maamulka Juve: Xidigo tayo wanaagsan ha la iisoo iibiyo ama Turin idinkoo u jeediin ayaan ka tagi doonaa!!
- Warbixin hadii macalin Conte uu baxo waxaa hogaanka Juve la wareegi doonaan Klopp ama Simeone midkood!
- Conte iyo maamulka Juve oo jimcada kulmi doonaan sidoo kalena isla maalinkaas ayaa la kala ogaan doonaa inuu macalinkan Turin sii joogi doono iyo in kale.
- Naadiga Bordeaux oo beenisay inay Zidane macalin ka dhigan rabto.
- Messi oo ugu baaqay Aguero inuu Barcelona xagaagan usoo dhaqaaqo.
- Liverpool oo si toos ah ula xariirtay wakiilka Ashley Cole waxaana macquul ah waayeelkan in Anfield lagu dhex arko xili cayaareedka dambe.
- Luis Suarez oo sheeko cusub sheegay: maalin un waxaan dib ugu laaban doonaa Ajax!
- Arsenal oo fariin u dirtay Javi Martinez kana warsugeyso xidigan jawaabta kasoo baxdo.
- Chelsea oo isku diyaarineyso inay €44 million xagaagan kula soo saxiixato Sami Khedira.
- Milkiilaha Inter Milan Thohir oo doonayo inuu kooxdiisa kusoo biiriyo Karem Benzema
- Man City iyo Arsenal oo kusoo biireen loolanka loogu jiro Cavani.
- Wakiilka Adnan Januzaj oo sheegay inuu xigan PSG oo lacago badan usoo bandhigtay iska diiday doortayna inuu United baaqi kusii ahaado.
- Barcelona oo isku diyaarineyso £20 million Ramires Chelsea kaga soo iibsato.
- Chelsea oo sheegtay inay Dante dalab u diri doonto sidii a booska David Luiz u galin laheed.
Like this:
Like Loading...