Home » Horyaalada » La liga » War Deg Deg Ah: Halyeegii Hore Ee Real Madrid Alfredo Di Stefano Oo Geeriyooday!

War Deg Deg Ah: Halyeegii Hore Ee Real Madrid Alfredo Di Stefano Oo Geeriyooday!


Di Stefano

Aqbaarta Sports ee ugu dambeesay taasi oo siweyn loo hadal haayo ayaa noqotay in halyeegii hore ee kooxda Real Madrid Alfredo Di Stefano uu geeriyooday, halyeegan ayaa maal mihii ugu dambeesay xaalad adg ku sugnaa kadib markii uu wadno xanuun dag dag ah kusoo booday inkastoo mar la sheegay inuu soo kabanaayo hadana hal mar si lama filaan ah waxaa shaaca looga qaaday inuu Di Stefano geeriyooday.

88-jirkan ayaa ku geeriyooday Isbtitaalka Gregorio Maranon ee ku yaalo magaalada Madrid, sidoo kale geerida Di Stefano waxaa si rasmi ah loogu soo daabacay Website-ka kooxda Real Madrid, wuxuuna qoraalka u qornaa sidaad “Real Madrid waxay ku dhawaaqeysaa in gudoomiye sharafeedkeeda Alfredo Di Stefano uu ku geeriyooday Gregorio Maranon Hospital sidaa darteed gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez iyo dhamaan maamulka, taageerayaasha iyo cayaartooda Madrid waxau tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii uu ka geeriyooda Di Stefano”


Close