Home » Maxaa Cusub » Giorgio Chiellini Oo Ka Hadlay Ganaaxa Luis Suarez La Dul Dhigay Hadaba Muxuu Ka Yiri?

Giorgio Chiellini Oo Ka Hadlay Ganaaxa Luis Suarez La Dul Dhigay Hadaba Muxuu Ka Yiri?


Chiellini

Dhibane Giorgio Chiellini ayaa ka aamusi waayay ganaaxa la dul dhigay ninkii garabka ka qaniina Luis Suarez, daafaca xulka Italy ayaa saxaafada aduunka ka yaabiyay madaama uu sheegay in ganaaxa Luis Suarez la dul dhigay uu yahay mid laga bad badiyay sidoo kalena uu xad dhaaf yahay wuxuuna Chiellini yiri “marwalbo waan tixgalinaa go’aanka gudiga anshaxa FIFA sidoo kalena tilaabo inay qaadaan waa loo bahnaa balse ganaaxa Suarez la dul dhigay waa mid laga bad badiyay ama xad dhaaf ah!”

Giorgio Chiellini oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “waxaan si daacnimo ku dheehan u jeclaan lahaa in Luis loo ogolaado inuu saaxiibadiisa tababar la qaato waayo ganaaxa la dul dhigay waa mid aad u culus kaasi oo hormarkiisa cayaareed dhibaato ku keeni karo”

Giorgio Chiellini wuxuu yiri “wax xumaan ah Luis uma qabo waayo xanaaqeyga wuxuu ku ekaa inta aan garoonka ku jiray, runtii waxaan u danqanaa qoyskiisa iyo xaalada adag ee xidigan soo wajihi doonto!”

Close